Aroornimadii hore ee saakay, ayaa waxaa Hotelka Naasahablood One ee Magaalada Muqdisho ka bilowday hawlgal burburka Hotelka looga raadinayo,
haddii ay jiraan dad nool iyo kuwa dhintayba, oo ku hoos jira burburka.
Laamaha amniga ee Soomaaliya waxay sheegayaan in weerarka hotel Nasa-hablood ay ku dhinteen 15 qof.
Masuuliyadda weerarka waxaa sheegatay xarakada Al-shabaab.
Dadka dhintay waxaa kamid ah, shacab, ilaaladii hoteelka iyo dableyda weerarka qaaday.
Ciidamada amniga ayaa saacado kadib dib ula wareegay hoteelka oo ku yaalla km4 oo ah bartamaha Muqdisho.
Weerarka wuxuu ku bilowday gaari waxyaabo qarxa lagu xiray oo ku qarxay iridka hotel Nasa-hablood.
Kooxda weerarka qaaday ayaa kadib gudaha u galay dhismaha oo ay dad ku qafaasheen.
Al Shabaab waxa ay si joogto ah u weerartaa hoteellada, maqaayadaha iyo goobaha dadka rayidka ah ay ku badan yihiin ee Muqdisho.
Waxay xarumahaasi ku weeraraan xubnaha dowladda oo markastaa booqdo ama deggan hoteellada qaar.
Wasiiro iyo xildhibaano ayaa kamid ah dadka ku nool hoteellada qaar ee la weeraray.
Meydadka 15 Qof Iyo Dhaawacyo Tiro Badan Oo Laga Soo Saaray Burburka Hotel Naasa Hablood Ee Magaalada Muqdisho.
Aroornimadii hore ee saakay, ayaa waxaa Hotelka Naasahablood One ee Magaalada Muqdisho ka bilowday hawlgal burburka Hotelka looga raadinayo,