Sadex Xul oo u soo baxay wareega 8-da ee koobka EURO 2016+Sawiro

0
Sunday June 26, 2016 - 17:19:30 in by salman abdi
  • Visits: 929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sadex Xul oo u soo baxay wareega 8-da ee koobka EURO 2016+Sawiro

    Xulalka Kubada cagta ee dalalka Portugal , Wales iyo Poland ayaa durbadiiba soo caga dhigtay wareega 8-da kooxood ee koobka Qaramada Yurub oo si xiiso leh uga socda garoomo ku yaal gudaha dalka Faransiiska .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulalka Kubada cagta ee dalalka Portugal , Wales iyo Poland ayaa durbadiiba soo caga dhigtay wareega 8-da kooxood ee koobka Qaramada Yurub oo si xiiso leh uga socda garoomo ku yaal gudaha dalka Faransiiska .

Xulka Qaranka Portugal ayaa 1-0 ku garaacay Xiddigaha Croatia oo xili ciyaareedkaan soo bandhigay awood cusub waxaana goolka agoonka ah Portugal u saxiixay laacibka kooxda Besiktas ee horyaalka dalka Turkiga Ricardo Quaresma (daqiiqadii 117-aad) .

Ciyaartaan ayaa eheed mid labada xulba ay xirteen difaac adag waxaana lagu daray waqti dheeri ah maadaama ay isla dhaafi waayeen (0-0) . Xulka Portugal oo bilowgii wareegii hore ee koobkaan aad u taag darnaa ayaa kulankii ay la ciyaareen Qaranka Craotia waxeey soo bandhigeen farsamo iyo is badal cusub .

*** Dhanka kale xulka Poland ayaa markii ugu horeeysay taariikhda koobka Qaramada Yurub waxeey soo gaareen wareega 8-da ugu dambeeysa ee koobkaan . Poland ayaa Rigooreyaal dirqi ah waxeey kaga badiyeen xulka Qaranka Switzerland oo fursado fara badan iska qasaariyay . Inta aan la dhigin Rigooreyaasha ka hor ayaa labada dal waxeey isla dhaafi waayeen bareejo 1-1 ah .

*** Xulka Qaranka Wales oo xili ciyaareedkaan aad u kacsan ayaa waxeey 1-0 ku reebeen dariskooda North Ireland ka dib markii difaaca xulka North Ireland iyo kooxda West Bromwich ee horyaalka dalka Ingiriiska Gareth McAuley uu daqiiqadii 75-aad si qalad ah gool uga dhaliyay xulkiisa North Ireland .

Galabta iyo caawa ayaa lagu wadaa in la ciyaaro kulamo aad u adag waxaana fooda is dari doona xulalka Qaramada France Vs Ireland (15.00 galabnimo ) , Germany Vs Slovakia (18.00 fiidnimo ) iyo Belguim Vs Hungary (21.00 habeenimo ) .


Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com