Daawo Muqaal:Maxkamadda Ku Taala Gobolka Hawd Oo Xukuno Kale Duwan Ku Riday Magafayaal Dadka Tahriibin Jiray.

0
Sunday June 26, 2016 - 17:25:20 in by salman abdi
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Muqaal:Maxkamadda Ku Taala Gobolka Hawd Oo Xukuno Kale Duwan Ku Riday Magafayaal Dadka Tahriibin Jiray.

    Maxkamada Gobolka Hawd ayaa maanta Xukuno kala duwan ku riday 5 Eedaysane ku waasi oo lagu soo eedeeyey Dambiyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Magafayaal Dadka ka Tahriibin jirey jiida Gobolka hawd iyo sidoo kale Eedaysanayaal ay Maxkamadu ku Hesha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Gobolka Hawd ayaa maanta Xukuno kala duwan ku riday 5 Eedaysane ku waasi oo lagu soo eedeeyey Dambiyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Magafayaal Dadka ka Tahriibin jirey jiida Gobolka hawd iyo sidoo kale Eedaysanayaal ay Maxkamadu ku Heshay inay Burburiyeen Jidka laamida ah ee isku xidha Magaalooyinka Hargeysa iyo Bali-gubadle ee dhismaheeda gacanta lagu hayo.


Maxkamada Gobolka Hawd waxay Eedaysanayaashan ku Xukuntay xadhig iyo ganaax lacageed

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hawd Sh.Cabdilaahi Muxumed Aw Cabdi ayaa ku dhawaaqay xukunkan lagu riday 5 eedaysane

Sidoo kale waxaa Xukunka Ka Hadley Saraakiisha Booliska iyo Asluubta ee Gobolka Hawd waxayna fariin adag ay u direen dadka isku daya inay ku kacaan Dambi noocan oo kale ah

Geesta kale waxaa iyaguna Xukunka Goob joog ka ahaa Maayorka Deg.Baligubadle Cabdi iimaan jaamac iyo Badhsaabka Gobolka Hawd ibraahin X. Xasan Cali waxayna Masuuliyiintani soo dhaweeyeen Xukunka Qaabkuu u dhacay waxayna dhawaaq dheer ku sheegeen in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii lagu qabto iyadoo gacanta kula jirta Dambi noocan oo kale ah.