Roma:Ciidamadda Booliska Talyaaniga Oo Nin Soomaali Ah U Xidhay Arrimo La Xidhiidha Tahriibka.

0
Sunday June 26, 2016 - 22:33:56 in by salman abdi
  • Visits: 993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roma:Ciidamadda Booliska Talyaaniga Oo Nin Soomaali Ah U Xidhay Arrimo La Xidhiidha Tahriibka.

    Booliska dalka Talyaaniga ayaa xabsiga u taxaabay Nin Soomaali ah, kaas oo lagu xidhay magaalada Rome. Ninkan ayaa loo qabtay arrimo la xidhiidha soo gelinta dalka Talyaaniga dad aan u dhalan wadamada Midowga Yurub iyo dalalka kale ee reer Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska dalka Talyaaniga ayaa xabsiga u taxaabay Nin Soomaali ah, kaas oo lagu xidhay magaalada Rome. Ninkan ayaa loo qabtay arrimo la xidhiidha soo gelinta dalka Talyaaniga dad aan u dhalan wadamada Midowga Yurub iyo dalalka kale ee reer Yurub.



Xeer ilaaliyaasha ka hortagga argagaxisada oo saldhigeedu yahay magaalada waqooyiga Talyaaniga ee Brescia ayaa amarka lagu xidhaayo ninkaas oo aan magaciisa la sheegin soo saaray.Ninkan ayaa lagu eedeeyay in uu dukumintiyo been abuur ah uu siiyay dad faro badan kuwaasoo soo galay dalka Talyaaniga.

Dadka lagu eedeeyay in uu ninkan soo geliyay dalka Talyaaniga ayaa waxaa ka mid ah labo ruux oo u dhashay dalka Suuriya, kuwaas oo la qabtay sanadkii hore. Labadan nin ayaa lagu qabtay magaalada Waqooyi ee Bergamo iyadoo lagu tuhunsan yahay in ay xidhiidh la leeyihiin ururka Islaamiga ah ee DAACISH. Raggan ayaa doonayay markii la qabanayay inay diyaarad u raacaan Malta.

Wadanka Talyaaniga ayaa waxaa dhibaato ku haya dadka soo galootiga ah iyadoo kumanaan ruux ay sanad walba ka soo gudbaan badda Mediterranenka ayaa sidoo kale waxaa dalkaas taga boqolaal ruux oo wata dukumintiyo been abuur ah.