Ciidamada Ilaalada U Ah Qaramada Midoobay Ee Ku Sugan Soomaaliya Oo La Guddoonsiiyay Abaal-marinno.

0
Monday June 27, 2016 - 09:47:33 in by salman abdi
  • Visits: 724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Ilaalada U Ah Qaramada Midoobay Ee Ku Sugan Soomaaliya Oo La Guddoonsiiyay Abaal-marinno.

    Guutada Ciidamada ka socda dalka Uganda ee ilaalada u ah Hay'adaha QM ee Somalia ku Sugan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guutada Ciidamada ka socda dalka Uganda ee ilaalada u ah Hay'adaha QM ee Somalia ku Sugan,

 ayaa waxaa Abaal-marinno shalay lagu Guddoonsiiyay Muqdisho, taasoo la sheegay inay ku muteysteen shaqo-wanaag ay muujiyeen.

201662763602590760866218827303851954_c7e4410129_b

Abaal-marintaan oo ahayd billad-sharafyo, ayaa waxaa Guddoonsiiyay ergayga QM ee Dalka Somalia, Danjire Michael Keating, wuxuuna halkaa ka sheegay in Ciidamadaan ka socda Uganda ay muujiyeen shaqo-hufan.

"Ka shaqeynta halkaan [Soomaaliya] – QM ahaan nooma fududaateen shaqadeena haddii aadan idinku suuro-gelin lahayn. Sidaa awgeed waxaan si laab furni ah ah Maanta idinku bogaadinayaa shaqada aad haysaan,” ayuu ka yiri Keating oo la hadlayay ciidamada.

Sidoo kale, Ciidamadan IlaaladaHay’adaha QM ee Muqdisho ku Sugan, ayaa dhameystay shaqadoodii muddo sanad ah ay ugu adeegayeen Hay’adaha kala duwan ee QM ee ka hawl-gala Soomaaliya.

"Waxaan Qorsheeynayaa inaan aado Kampala oo aan u sheego madaxweynaha dalka Uganda, taliyaha ciidamada, siyaasiinta iyo Madaxdiina; sida aad muhiim noogu tihiin, marka laga hadlayo Hawshiinna gaarka ah. Aad ayaadna ugu Mahadsan tihiin Shaqadiinna Wanaagsan” ayuu Danjiruhu mar kale yiri.

Ciidamada Ilaalada QM, ayaa hawshoodu tahay ilaalinta shaqaalaha QM, gaar ahaan kuwa rayidka ah iyo Xarumahooda ku yaalla gudaha Somalia, si looga hortago in weerarro ay kaga yimaadaan kooxaha hubeysan.

"Abaal-marintan, ayaa fursad weyn ii siinaysa inaan u sii shaqeeyo QM. Waxaanan rumeysnahay inay Albaabbo badan ii furayso,” ayuu yiri Harriet Nanono oo ah Sarkaal Caafimaad oo ka tirsan ciidamada Uganda ee QM la shaqeeya.

Ojera Dennis oo ah Haweeney iyaduna ciidamadaan ka tirsan, ayaa Waxay tiri. "Waxaan uga Mahad-Celinayaa Qaramada Midoobay Waxay noo Qabatay, Mana sahlana in bilad lagu siiyo illaa aad shaqo adag qabato.”

Ugu dambeyntii, Xafladdaan Abaalmarinta lagu guddoonsiiyay ciidamadan, ayaa lagu qabtay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka Qayb-galeen Mas’uuliyiin ka Socday – Midowga Afrika iyo Hawl-galka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.