Xalada Puntland Oo Khatar Ku Jirta Iyo Maleeshiyaad adag Oo Ka Dhexsamaysay Deeanadaasi.

0
Monday June 27, 2016 - 11:11:49 in by salman abdi
  • Visits: 945
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xalada Puntland Oo Khatar Ku Jirta Iyo Maleeshiyaad adag Oo Ka Dhexsamaysay Deeanadaasi.

    Xaaladda maamul goboleedka somaaliyeed ee Puntland ayaa todobaadyadii la soo dhaafay aad u kacsanayd kadib markii uu guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdsimad Gallan ii ku dhawaaqay kacdoon dawladda ka dhan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladda maamul goboleedka somaaliyeed ee Puntland ayaa todobaadyadii la soo dhaafay aad u kacsanayd kadib markii uu guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdsimad Gallan ii ku dhawaaqay kacdoon dawladda ka dhan ah.



Cabdisamad Gallan oo hogaaminaya ciidamo gaadhaya 200 oo qof oo askari oo isugu jira maleeshiyo beeleed iyo ciidamada dawladda oo ka gadoodsan mushahar la’aan ay muddo badan ka cabanayeen ayaa dagaalo kooban la galay ciidamada maamulka Cabdiwali Cali Gaas waxaana ay xaaladda deegaanku gaadhay in warbaahinta maamulkaas ka hawlgasha laga mamnuunco inay waraysi ka qaadaan Cabdisamad Gallan.

Madaxwaynaha maamulka Majeerteeniya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa isaguna amar ku bixiyey in la toogto ama la khaarajiyo horjoogahan saaxadda dagaalka u soo banbaxay.

Cabdisamad Gallan waxa uu dhawaan xilka guddoomiyenimo ee gobolka Bari wareejiyey kadib markii xilkaas laga qaaday isagoo maalintii uu xilka wareejinayay sheegay in beeshiisu xadgudubyo siyaasadeed tirsanayso.

Qalalashan ayaa haddi uu sii socdo sabab u noqon kara in maamulkan gacan ku rimiska ahi la kulmo caqabado aanu waligii la kulmin oo dhinaca amniga iyo kala dambaynta ah.