Ma Rumaysan Kartaa Oori Badhasab Gobol Oo Muadalabad Ah Se Waa Tee

0
Monday June 27, 2016 - 11:20:43 in by salman abdi
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Rumaysan Kartaa Oori Badhasab Gobol Oo Muadalabad Ah Se Waa Tee

    Haweenay uu qabo Badhasaabka Gobolka Maine oo ka mid ah dalka Maraykanka Mr. Paul Legape, kana tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa mudalabnimo kaga shaqaysata hudheel cuntada laga cuno oo ku yaal gobolka odaygeedu xukumo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweenay uu qabo Badhasaabka Gobolka Maine oo ka mid ah dalka Maraykanka Mr. Paul Legape, kana tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa mudalabnimo kaga shaqaysata hudheel cuntada laga cuno oo ku yaal gobolka odaygeedu xukumo.



Ninkan Badhasaabka ah oo ka mid ah masuulka ugu mushaharka hooseeya ragga haya jagadiisa oo kale, ayaa la sheegay in xaaskiisu goob hudheel ah kaga shaqaynaysay mudalabnimo toddobaadyadii u dambeeyey si ay noloshooda ugu kabto, isagoo shir uu dhawaan qabtay kaga dhawaaqay in xaaskiisu shaqo ka bilawday meherad laga cunteeyo.

Waxa uu sheegay in sababta haweenaydiisu shaqada u bilawday ay tahay sidii ay u kabi lahayd mushaharkiisa uu ku qaato xilka badhasaabnimo oo ah $70,000 sannadkii, maadaama uu yahay masuulka ugu mushaharka yar Guddoomiyeyaasha ka hawlgala Gobolada kala duwan ee dalka Maraykanka.

Badhasaabkan iyo xaaskiisa, ayaa laba sanno ka hor iibsaday guri aad u yar oo qiimihiisu yahay $215,000 (laba boqol, shan iyo toban kun) oo doollar, sida lagu baahiyey saxaafadda Maraykanka oo Jamhuuriya soo xigtay, waxaannu marar badan isku dayey inuu mushaharkiisa kordhisto, kana dhigto $150,000 ilaa $135,000 doollar oo ah mushaharka ay celcelis ahaan qaataan 50 Badhasaab oo maamula Gobolada ugu waaweyn dalka Maraykanka.

Haweenaydan xaaska u ah ninka Badhasaabka ah, ayaa sheegtay in mudalabnimada ay doonaysay waligeedba in ay qabato, halka gabadh ay dhashay oo hawshan la qabata ay saacaddii ka qaato lacag dhan $28 doollar oo ah shaqadeeda hudheelka, iyadoo xustay in hooyadeed oo muddo dheer daryeelaysay ay geeriyootay bishii October ee sannadkii 2015.

"Waan ogahay in ay sharaftayda kor u qaadayso.” Sidaa waxa yidhi ninka Badhasaabka ah oo saxaafadda la hadlay.

Dhinaca kale haweenaydan mudalabka ah, ayaa tilmaantay inay doonayso sidii ay ninkeeda u tusi lahayd inay si adag u shaqayso si ay ula qaybsato masaariifta iyo dhaqaalaha qoyskooda