Hargaysa:Guddoomiyaha Kumiye Oo Dhambaal Hambalyo U Diray Jabuuti Maalinta Xornimadooda Awgeed.

0
Monday June 27, 2016 - 14:12:32 in by salman abdi
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Guddoomiyaha Kumiye Oo Dhambaal Hambalyo U Diray Jabuuti Maalinta Xornimadooda Awgeed.

    Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca hay'adaha xisbiga ee kala duwan waxa uu ku hambalyeynayaa Madaxweynaha, dawladda iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca hay'adaha xisbiga ee kala duwan waxa uu ku hambalyeynayaa Madaxweynaha, dawladda iyo shacabka dalka Jabuuti 39 guurada ka soo wareegtay maalinta xornimadooda ay qaateen Faransiiska 27 June 1977.



Guddoomiyuhu waxa uu ku bogaadinayaa dawladda iyo shacabka reer Jabuuti guusha ballaadhan ee dhanka horumarka ay ka gaadheen muddada ka soo wareegay intii ay xorta ahaayeen.


Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in guud ahaan ummadda Somaliland oo iyaguna ku guda jira xuska sannad-guurada 56 aad ee ka soo wareegtay maalinta xornimadooda 26-kii June 1960 ay sidoo kale la wadaagayaan walaalahooda Jabuuti farxadda xornimada, maadaama labada dawladood iyo shacab ee walaalaha ah uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer oo walaalnimo.


Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu u rajeynyaa dawladda iyo ummadda reer Jabuuti inay sannadka, sannadkiisa ku gaadhaan guul iyo barwaaqo.

ALLAA MAHAD LEH.

Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
_________________________________
Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE