LABO QOF OO KUDHAAWACANTAY XARUNTA TABABARKA XULKA QARANKA GERMANY.

0
Wednesday May 28, 2014 - 17:56:46 in by Super Admin
  • Visits: 1195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LABO QOF OO KUDHAAWACANTAY XARUNTA TABABARKA XULKA QARANKA GERMANY.

    Illaa hadda saxaafaddu ma aqoonsan heybta labada qof ee ku dhaawcmay xarunta tababarka xulka qaranka Germany ay isugu diyaarinayaan koobka adduunka, labada qof ay kudhaawacantay shil gaari oo kadhacay xarunta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Illaa hadda saxaafaddu ma aqoonsan heybta labada qof ee ku dhaawcmay xarunta tababarka xulka qaranka Germany ay isugu diyaarinayaan koobka adduunka, labada qof ay kudhaawacantay shil gaari oo kadhacay xarunta.

Mercedes-Benz oo ah shirkadda maalgaliso xulka qaranka Germany ayaa warbixin ay kaga hadleesay dhaawaca labada qof soo saartay, shirkaddaan ayaa sheegtay in gaari uu waday Pascal Fahrplan oo ah darawal Germany oo ka qeyb qaato tartamada baabuurta uu ku dhacay labo qof oo kusugneed xaarunta tababarka xulka qaranka.

 

 

 

Shirkadda Mercedes-Benz ayaa cadeesay in labada qof ee dhaawaca soo gaaray aysan kujirin Fahrplan ama qof katirsan ciyaartoyda iyo maamulka tababarka xulka qaranka Germany, walow aanan macluumaadba looheyn in gaariga shilka galay ay saarnaayen mid kamid ah maamulka ama ciyaartoyda.

 

Sida ay sheegayaan wararka ay saxaafaddu kaheleeso xarunta tababarka mid kamid ah dadka dhaawacmay waa uu daran yahay dhaawaciisa, waxey intaas kusii darayaan in dadka gaariga saarnaa uu kujiray daafaca kooxda Schalke Benedikt Howedes balse isagoo bad-qabo uu kasoo dagay gaariga.

 

Mercedes-Benz warbixinta ay shilka uga hadleesay waxey kusheegtay inaysan faahfaahin intaas dheeri ah aysan bixin karin "Ma awoodno inaan macluumaad idinka siino qaabka dhaawacyada, labada qofba haatan waa ladabiibayaa.



Afkashacabka.com
Germany / Office
Contact@afkashacabka.com