Eden Hazard Oo Hormuud Ka Ahaa Xasuuqii Ay Belgium U Geysatay Hungary Xilli Ay Xaqiijisteen Booskooda Wareega 8da

0
Monday June 27, 2016 - 15:36:20 in by Burco Office
  • Visits: 784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eden Hazard Oo Hormuud Ka Ahaa Xasuuqii Ay Belgium U Geysatay Hungary Xilli Ay Xaqiijisteen Booskooda Wareega 8da

    Xulka Belgium ayaa si raaxo leh ugu soo baxay wareega sideed dhamaadka koobka Euro 2016 ka dib markii ay 4-0 kaga takhaluseen xulka Hungary ciyaar xiiso leh oo ka dhacday Toulouse iyadoo Belgium ay wareega xiga isku dhici doonaan xulka Wales.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka Belgium ayaa si raaxo leh ugu soo baxay wareega sideed dhamaadka koobka Euro 2016 ka dib markii ay 4-0 kaga takhaluseen xulka Hungary ciyaar xiiso leh oo ka dhacday Toulouse iyadoo Belgium ay wareega xiga isku dhici doonaan xulka Wales.


Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa aheyd mid xamaasad iyo madadaalo leh, xulka Belgium ayaa abuuray fursado badan, inkastoo Hungary ay dhibtooneysay hadana waxa ay iyagana ku dadaaleen inay ciyaarta ku sii jiraan.

Xulka Red Devils ayaana ciyaarta hogaanka u qabtay bilowgii qeybta hore ee ciyaarta.

Hungary v Belgium - Round of 16: UEFA Euro 2016

DAQIIQADII 10aad GOOOL!!!!Waxa ay aheyd wax la filayay marka loo eego sida ay u ciyaaraysay Belgium, De Bruyne ayaa kubad laad xor ah ka soo qaaday garabka bidix, iyadoo Lukaku oo aysan cidna xiraneynin uu u kacay, kubada ayaase ka dul baxday waxaana ay u tagtay Toby Alderweireld oo isna aysan cidna xiraneynin kaasoo kubada madax ah dabamariayy goolhaye Kiraly islamarkaana hogaanka u dhiibay Belgium.

FBL-EURO-2016-MATCH42-HUN-BELFBL-EURO-2016-MATCH42-HUN-BEL

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaan ay u qalantay ku heysay xulka Belgium. Hungary ayaa bilowgii qeybta labaad u muuqatay mid dagaal ugu jirta inay ciyaarta ku soo laabato laakiin waxa ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen intii u dhaxeysay daqiiqadihii 78aad iyo 80aad markaas Belgium ay labo gool oo degdeg ah heleen.

DAQIIQADII 78aad GOOOL!! GOAL!Eden Hazard oo caawa wacdarro dhigay ayaa ka soo shaqeeyay goolkaas isagoo baas macaan ka soo dhigay garabka bidix taasoo u sahashay in Batshuayi oo shan mitir u jira goolka uu kubada shabaqa ku taabto.

Cl56R1SWkAALBQb

 

 
 

 

DAQIIQADII 80aad GOOOL!!!Hazard ayaana soo gabagabeeyay abaartii goolasha ee tartamada heerka caalami,. markii uu Belgium u seddexeeyay ciyaarta oo 10 daqiiqo dhiman, waxa uu kubada ku dhex qaatay dhowr ciyaaryahan oo Hungary ah ka hor inta uusan shabaqa si wacan u tooganin.

Eden Hazard ayaa soo gabagabeeyay 716 daqiiqadood oo uu Belgium u ciyaaray tartamada heerka caalami oo uusan gool u dhalinin isagoo darbadiisa seddexaad ee caawa shabaqa ku soo taabtay.

Cl56QoLXIAAwc6D

 

XAQIIQ:Lix ka mid ah todobadii gool ee Belgium ay ka dhaliyeen Euro 2016 waxaa caawiye ka ahaa midkood Kevin de Bruyne (3) ama Eden Hazard (3).

DAQIIQADII 90aad GOOOL!!!Iyadoo Courtois uu kubad halis ah ka badbaadiyay Hungary, Belgium ayaa kubad rogaal celis ah qaaday, iyadoo Nianggolan uu kubad u dhex bixiyay xiddiga Atletico Madrid Yanick Carrasco kaasoo shabaqa ku hubsaday kubada islamarkaana ciyaarta dilay.

Waxa ay ciyaarta ku soo idlaatay Belgium oo si raaxo ah leh kaga takhalustay xulka Hungary iyagoo u soo gudbay wareega sideed dhamaadka halkaasoo ay la ciyaarayaan xulka Wales,