"Madax-dhaqameednimadu Maaha Wax Suuqa Laga Soo Iibsado Iyo Cumaamad Xamar Taalla" Suldaanka Guud Ee Somaliland.

0
Monday June 27, 2016 - 16:08:19 in by salman abdi
  • Visits: 814
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madax-dhaqameednimadu Maaha Wax Suuqa Laga Soo Iibsado Iyo Cumaamad Xamar Taalla" Suldaanka Guud Ee Somaliland.

    Suldaanka Guud ee Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamayniman Muqdisho jooga oo sheegtay in ay ka mid yihiin madaxdhaqameedka reer Somaliland isla markaana dawladda Soomaaliya ee caalamku waardiyeeyaa ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaanka Guud ee Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamayniman Muqdisho jooga oo sheegtay in ay ka mid yihiin madaxdhaqameedka reer Somaliland isla markaana dawladda Soomaaliya ee caalamku waardiyeeyaa ay sheegtay in ay soo xulayaan xubno maqaar saar ah oo magaca Somaliland ku fadhiista kuraasta baarlamaanka Xamar.



Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN,ayaa sidoo kale sheegay in ninka Xamar cumaamada loogu dhiibay iyo cida uu keenaaba in ay yihiin niman iskood u shaqo tegay oo aan cidna metalin laakiin xoogsi tag uun ah.

Suldaan Maxamed oo aanu weydiinay waxa ay yihiin xubno Xamar ka sheegtay inay yihiin salaadiin reer Somaliland ah, waxaanu yidhi "Maya kama mid aha madaxdhaqameedka reer Somaliland, horena ugamay mid ahayn, imikana kuma jiraan laakiin waa niman Xamarjoogay oo ay dawladda Muqdisho magaalada ka soo urursatay oo ay cumaamado u xidhay madaxdhaqameed reer Somaliland ah oo beelaha Somaliland aycaleemo saarteena maaha ee waa niman cumaamado ay ku shaqaystaan Xamar laga siiyay markaa iyaga iyo cidda ay geeyaanba waxay la mid yihiin dad Somaliland u dhashay asal ahaan oo iskood u shaqo tegay oo aan cidna metalin.Somaliland iyo Soomaaliya waakala laba dal oo aan isku khaldami karayn.”

"Waa in aynu fahanaa ninka Xamar u shaqo tagay iyo ka Israa’iil u shaqo tagay in ay isku mid yihiin wax ay ina yeeli karaana ma jirto. Madaxdhaqameednimaduna maaha mid suuqa laga soo iibsado ee waa dhaqan umadeed cumaamada Xamar taallana Madaxdhaqameed laguma noqdo,”ayuu yidhi Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.