Daawo Sawirada'' Mid kamid ah Hogaamiyaasha Maafiyada dalka Talyaaniga oo gacanta lagu dhigay

0
Monday June 27, 2016 - 16:15:36 in by salman abdi
  • Visits: 828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada'' Mid kamid ah Hogaamiyaasha Maafiyada dalka Talyaaniga oo gacanta lagu dhigay

    Ciidamada booliiska dalka Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah Hogaamiyaasha ugu sareeya kooxaha Maafiyada dalka Talyaaniga, kaa oo mudo sanad badan ay ciidamada booliiska ay baadi goob ugu jireen. Ernesto Fazzalari , oo ahaa Hogaamiyaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada booliiska dalka Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah Hogaamiyaasha ugu sareeya kooxaha Maafiyada dalka Talyaaniga, kaa oo mudo sanad badan ay ciidamada booliiska ay baadi goob ugu jireen. Ernesto Fazzalari , oo ahaa Hogaamiyaha kooxda lagu magacaabo Maffiyada gobalka Calabrian ,ayaa laga soo xiray magaalada Molochia oo ku taal dhulka buuraleyda ee Calabrian, halkaas uu mudo badan ku dhuumaaleesanayay.

Ninkan oo kamid ahaa dadka loogu raadiska badan yahay dalka Talyaaniga iyo Qaarada Yurub ayaa loo heestaa dambiyo badan ay ku jiraan dilal qorsheesan , iyo ganacsiga Hubka sharci darada ah iyo Maandooriyaha .

Ernesto Fazzalari , ayaa in ka badan 20-sano baxsad ku jiray, waxaana ninkan Kooxda uu Hogaamiyo ku eeeesan yihiin in ay dileen boqolaal qof oo Talyaaniga u dhashay dad kale oo badana ay u geesteen afduub iyo dhibaatooyin kale.

Ra'isul Wasaaraha dallka Talyaaniga Metteo Renzi, oo Warbaahinta Shir Jaraa'id u qabtay ayaa bogaadiyay howlgalka lagu qabtay hogaamiyahan katirsanaa Maafiyada dalka Talyaaniga, waxa uuna sheegay in sharciga la horgeyn doono ninkan dambiilaha ah.