Jaaliyada Reer Somaliland Ee Dalka Ingiriiska Oo Maanta Deeq Buugaag Ah Soo Gaadhsiiyey Jaamacada Alpha University Faraceeda Magaalada Hargaysa.

0
Monday February 17, 2014 - 03:11:30 in by London Office
  • Visits: 1036
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyada Reer Somaliland Ee Dalka Ingiriiska Oo Maanta Deeq Buugaag Ah Soo Gaadhsiiyey Jaamacada Alpha University Faraceeda Magaalada Hargaysa.

    Guddoomiyaha Jaamacada Alpha Mudane Pro. CabdiRaxmaan Maxamed Maal Oo Guddoonka Buugaagtaasi Ka Hadlay Ayaa Sheegay In Uu Aad Ugu Mahad celinayo Jaaliyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Jaamacada Alpha Mudane Pro. CabdiRaxmaan Maxamed Maal Oo Guddoonka Buugaagtaasi Ka Hadlay Ayaa Sheegay In Uu Aad Ugu Mahad celinayo Jaaliyada. Guddoonka Deeqdan Buugaagta Ah Oo Ka Qabsoontay Xarunta Jaamacada Alpha Ee Magaalada Hargaysa Ayaa Waxa Ka Soo Qayb-Galay Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare Ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Mudane Khadar Axmed Diiriye , Guddoomiyaha Jaamacada Alpha University Pro. Cabdiraxmaan Maxamed Maal Iyo Aadan Gooraan Xassan Maal Oo Ka Socday Jaaliyada Reer Somaliland Ee Deeqdan Buugaagta Ah Ku Soo Deeqay Ee Dalka Ingiriiska. 

Aadan Gooraan Xasan Maal Oo Ku Hadlayey Afka Jaaliyada Reer Somaliland Ee Dalka U.K Ayaa Sheegay In Deeqdan Buugaagta Ah Ee Uu Soo Gaadhsiiyey Jaamacada Alpha Ay Ku Soo Deeqeen Jaaliyada Reer Somaliland ee dagan Ingiriiska gaar ahaan magaaladda Cardiff, wuxuuna sheegan in deeqdan oo kale ay dalka hore u soo gaardhsiiyeen isla markaana aanay tani noqon doonin tii ugu danbaysay, Mr Aadan Gooraan Waxa Uu Ku Dheeraaday Sida Dadka Reer Somaliland Ee Ku Nool Wadamada Dibbada Ay Ugu Taamayaan Sidii Ay Ugu Qayb-Qaadan Lahaayeen Horumarka Ka Socda Dalkooda Hooyo. Wuxuuna sheegay in horaantii 2013 oo ay xubno jaliyadda ka socotaa yimaadeen Somaliland ka dib ay isla qaateen in jamacadda alpha university la gudoonsiiyo wixii taageero ah ee ay jaliyaddu ugu talo gashay horumarinta jamhuriyadda Somaliland. 

Guddoomiyaha Jaamacada Alpha Mudane Pro. CabdiRaxmaan Maxamed Maal Oo Guddoonka Buugaagtaasi Ka Hadlay Ayaa Sheegay In Uu Aad Ugu Mahad celinayo Jaaliyada Reer Somaliland Ee Dalka Ingiriiska Ee Iyagu Garatay In Deeqdan Buugaagta Ah Ay Ugu Deeqaan Jaamacada Alpha Isagoo Ka Rajeeyey In Aanay Noqonin Buugaagtani Kuwii Ugu Horeeyey Ama Ugu Dambeeyey Ee Ay Jaamacada Soo Gaadhsiiyaan. 

gudoomiyaha ayaa sheegay in buugaatan oo isugu jirta engineering, cafimaad, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshadda ay wax wayn ka tari doonto baahdiii jamacaddu u qabtay inay hesho agab waxbarasho oo casri ah. Ugu Dambayn Agaasimaha Tacliinta Sare Ee Wasaarada Waxbarashada Ee Somaliland Mudane Khadar Axmed Diiriye Oo Oo Maamulka Jaamacada Alpha Ku Wareejiyey Buugaagtaasi Ayaa Xusay In Aqoontu Tahay Waxa Ugu Qiimaha Badan Ee Adduunka Guudkiisa Lays Taro Sidaasi Awgeedna Uu U Mahad celinayo Jaaliyada Reer Somaliland Ee ku Fikiray In Ay Dalka Ka Dhisaan Dhinaca Aqoonta. 

Agasimaha ayaa ku tilmaamay jamacadda alpha university mid ay libaax ka qaadata kobcinta waxbarashadda ka socota guud ahaan jamhuriyadda Somaliland, gaar ahaan tacliinta sare, wuxuuna ugu danbayntii u kala wareejiyay buugaagtii.

Afkashacabka.com
London/Office