War Deg Deg Ah:Bandow lagu soo rogay magaalada laascaanood ee gobolka sool.

0
Tuesday June 28, 2016 - 22:18:21 in by Burco Office
  • Visits: 1329
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Bandow lagu soo rogay magaalada laascaanood ee gobolka sool.

    Laascaanood(AFKA)Bandoow ayaa lagu soo Rogey Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, taasoo ka dhalatay kaddib markii maanta ay Rabshado Kasaare geystey ka dhaceen koonfurta Magaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laascaanood(AFKA)Bandoow ayaa lagu soo Rogey Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, taasoo ka dhalatay kaddib markii maanta ay Rabshado Kasaare geystey ka dhaceen koonfurta Magaalada.



Rabshadahan oo ay sababeen, kaddib markii dabley Hubaysan ay Rasaas ku fureen Gaadhi safar ugu socday deegaanno Hawd-koonfureed, markaasoo Gaarigani uu u maraayay halka lagu magcaabo Xaraar-daayeer oo Degmada Laascaanood 8-km wax ka yar u jita, waxaana rasaastaasi ku Naf-waayay saddex qof oo mid ka mid ay Haween ahayd.
Dableyda, ayaa markii la sheegay inay qayb ka yihiindagaalo laba beelood ku dhex maray deegaanka Dharkayn-geenyo iyo deegaanno kale, Taasina waxay sababtay inay Degmada Laascaanood markii ugu horreysay ka billowdaan Rabshado labadaas beelood u dhexeeya.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise oo saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa, ayaa wuxuu sheegay in laga billaabo Dhurnimadda Maanta - ay magaaladda Laascaanood Tahay Bandow.

"Waan ognahay inaan magaalada colaadu wada saamayn laakiin waxaan ka taxadaraynaa inay fursad ka helaan, Naftuna waa nooga Qaalisan tahay wax kasta,” ayuu Guddoomiyuhu yiri mar wax laga weydiiyey sababta ay ugu soo rogeen magaalada Bandow.

Dhanka kale, Ciidan kala duwan ayaa lasoo geliyay magaalada; iyadoo cod-baahiyeyaalna la saaray gaadiid, kuwaasoo digniin siinay bulshada ku nool magaalada, Waxayna ciidanku taagan yihiin dhamaan waddooyinka waaweyn ay gaadiidka marayaan inay meel dhigtaan oo aanay soo noqon.

Si kastaba ha ahaatee, Weerarkaan - ayaa kusoo beegmaya xili duqayaal is-xil-qaamay ay u baxeen dhex-dhexaadinta beelahan dagaallamay, kuwaas oo dagaalkoodu noqonaya kii ugu baaxadda weynaa.