Hargaysa:Xisbiga Waddani oo Munaasibad Afur Ah Ku Qaabilay Siyaasi Maxamed Dhamac oo Ku Soo Biiray Xisbigaas.

0
Tuesday June 28, 2016 - 23:55:51 in by salman abdi
  • Visits: 826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Xisbiga Waddani oo Munaasibad Afur Ah Ku Qaabilay Siyaasi Maxamed Dhamac oo Ku Soo Biiray Xisbigaas.

    Munaasibad afur ah oo aad u bilan isla mar ahaantaana lagu soo dhaweynaayey siyaasi/ Aqoonyahan Maxamed Dhamac Xasan oo ka mid ah dhallinyarta qurba-jooga ah ee reer Somaliland oo ku soo biiray xisbiga WADDANI, ayaa xalay fiidkii lagu qabtay hotel Sa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibad afur ah oo aad u bilan isla mar ahaantaana lagu soo dhaweynaayey siyaasi/ Aqoonyahan Maxamed Dhamac Xasan oo ka mid ah dhallinyarta qurba-jooga ah ee reer Somaliland oo ku soo biiray xisbiga WADDANI, ayaa xalay fiidkii lagu qabtay hotel Safari ee magaalada Hargeysa.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta xisbiga ee hoggaanada, guddida fulinta, gabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo madaxdhaqameed kale oo ugu horreynWaxaana munaasibaddan ka soo qeyb-galay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, xoghayaha guud ee xisbigaasi Md.Uurcadde,Xildhibbaan Siciid Cimi Rooble, Siyaasi Maxamed Dhammac, xubno ka mid ah hogaanka, guddida fulinta, gabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan.


halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay si aada ugu faraxsan yihiin in siyaasi Maxamed Dhammac uu ku soo dhiirado in uu ku soo biro xisbiga WADDANI, waxaana ay ku ammaaneen in uu yahay nin karti badan oo aqoon yahan ah isla mar ahaantaana wax badan ka tari kara awooda iyo nidaamka siyaasaddeed ee xisbiga WADDANI uu ku hanaayo talada dalka Somaliland, iyaga oo sida oo kalena ku majiirtay in uu yahay qoraa da’ yar oo ah iftiin u soo shaac baxay shacabka Somaliland.

 

Siyaasi Maxamed Dhamac Xasan oo isna halkaas erayo kooban ka jeediyey, ugu horreyn muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in uu ku soo biro xisbiga WADDANI, waxaana uu tilmaamay in uu siyaasad ahaan uu si weyn ugu qancay xisbigaasi isla mar ahaantaana waxyaabaha uu xisbiga WADDANI uu sida aadka ugu wanaagsan yahay ay kow ka tahay siyaasadda dhallinyarta iyo weliba qorsheyaashiisa Ictiraaf raadinta iyo mideynta shacabka Somaliland, isaga oo si weyn xisbiga WADDANI ugu ammaanay taageerada aadka u badan ee uu ka kas baday shacabka Somaliland.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI Md.Axmed Muumin Seed oo ugu dambeynti isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in soo dhaweynaayo siyaasigan da’da yar ee ku soo biiray xisbiga WADDANI, waxaana sheegay in xisbiga WADDANI uu u furan yahay cid walba isla mar ahaantaana kaliya loo soo kala horreeyey balse aan loo siman yahay.