warbixin:Bulshada Somaliland Oo U Dhag Taagaysa Natiijada Dacwada Siyaasadeed Ee Xisbiga UCID.

0
Tuesday June 28, 2016 - 23:59:42 in by salman abdi
  • Visits: 908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    warbixin:Bulshada Somaliland Oo U Dhag Taagaysa Natiijada Dacwada Siyaasadeed Ee Xisbiga UCID.

    Dadweynaha reer Somaliland ayaa si weyn ugu dheg taagaya go'aanka ay guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadu ka soo saari doonaan dacwada xisbiga UCID ee ay gudo galeen bilowgii bishan Ramadaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadweynaha reer Somaliland ayaa si weyn ugu dheg taagaya go'aanka ay guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadu ka soo saari doonaan dacwada xisbiga UCID ee ay gudo galeen bilowgii bishan Ramadaan.


Guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda ayaa natiijada muddeeyay wixii ka dambeeya bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dacwadan ayay shacabka reer Somaliland si wayn ugu dhagtaagayaan waxa ka soo bixi doona, isla markaana ay aad u xiisaynayaan dacwadan siyaasadeed ee u dhaxaysa Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen oo hore rafiiq ugu ahaa xisbiga UCID balse hadda si weyn isugu maandhaafsan majaraha xisbiga UCID.

Baraha Bulshadu kuwada xidhiidho iyo fagaarayaasha kale ee lagu kulmo ayay bulshadu si aad ah ugu hadal haysaa dacadda u dhaxaysa Faysal iyo Jamaal iyo natiijada la filayo inay ka soo baxdo.

Dacwadan oo ah tii u horaysay ee nooceeda ah, ayaa ah dacwad siyaasadeed oo xaasaasi ah, waxaanay guddiga diiwaangelinta ee ka garnaqaysa khilaafkan u noqon doontaa dacwad lagu eego miisaankooda iyokalsoonidoodaba.