Jilaa Magac Ku Leh Dunida Oo Caan Ku Ahaa Jilista Jacaylka Oo Geeriyooday

0
Wednesday June 29, 2016 - 11:21:00 in by salman abdi
  • Visits: 752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jilaa Magac Ku Leh Dunida Oo Caan Ku Ahaa Jilista Jacaylka Oo Geeriyooday

    Waxaa gurigiisa oo ku yaalla magaalada Roma ee wadanka Talyaaniga ku geeriyooday Jillaagii weynaa ee Bud Spencer oo ku caan ah aflaamta dadka ka qosliya. Bud Spencer ayaa ku dhintay da'da 86 jir ah, magaciisa runta ah waxaa uu ahaa markii hore C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa gurigiisa oo ku yaalla magaalada Roma ee wadanka Talyaaniga ku geeriyooday Jillaagii weynaa ee Bud Spencer oo ku caan ah aflaamta dadka ka qosliya. Bud Spencer ayaa ku dhintay da'da 86 jir ah, magaciisa runta ah waxaa uu ahaa markii hore Carlo Pedersoli, balse markii dambe magaciisa waxaa loo bedalay Bud Spencer isagoo dhashay 1929kii.


Aflaamta uu keeni jiray Bud Spencer ayaa looga bartay majaajilo uu dagaal ku dhexjiro, Wuxuuna si aad ah usoo caanbaxay sanadadii todobaadkii. Waxaana si weyn loo jeclahaa filimaantii ay wada dhigi jireen saaxiibkiis Terence Hill oo isna ahaa jilaa kale oo dadka ka qosliya.

Jilaagan ayaa ahaa ciyaaryahan dhanka dabaasha ah oo dalkiisa marar badan u matalay ciyaaraha Olympikada ka hor inta uusan noqon atoore soo bandhiga aflaamta uu dhigo oo badanaa ku soo bixi jiray luuqada Talyaaniga balse luuqado badan lagu turjumi jiray.
 


Bud Spencer ayaa Somalia si weyn la yaqaanaa waxaana aflaamtiisa xiligii beri samaadkii laga daawan jiray shineemooyinkii waaweynaa ee ka furnaa magaalada Muqdisho.