Daawo Sawirada: Qasaaraha ka dhashay Weerarkii lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Ataturk oo sii kordhay

0
Wednesday June 29, 2016 - 11:24:25 in by salman abdi
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Qasaaraha ka dhashay Weerarkii lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Ataturk oo sii kordhay

    Waxaa sii kordhaya qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxyadii iyo weerarkii tooska ahaa ee xalay lagu qaaday garoonka Diyaaradaha Ataturk ee kuyaala magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga. Inta la xaqiijiyay qaraxyadan iyo weerark

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii kordhaya qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxyadii iyo weerarkii tooska ahaa ee xalay lagu qaaday garoonka Diyaaradaha Ataturk ee kuyaala magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga. Inta la xaqiijiyay qaraxyadan iyo weerarkii la socday waxaa ku dhintay dad gaaraya 36-qof ,waxaaa sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 140-qof, dadka dhaawaca ah ayaana lasoo sheegayaa inay ku jiraan kuwa dhaawacyo culus qaba.


Weerarka waxaa ka dambeeyay sida warar soo baxaya sheegayaan Sadex nin oo soo xirtay Waxyaabaha qarxa kuwaa oo qaarkood ay wateen qoryha AK-47 iyo bambooyinka gacanta laga tuuro, waxaana gudaha garoonka isku qarxiyay labo kamid ah ragii weerarka ku qaaday mid kalana ciidamada amaanka ayaa toogtay.


Ragan weerarka ka dambeeyay ayaa kahor inta aysan is qarxin rasaas ku furay qeybta Duulimaadka caalamiga ah ee garoonka diyaaradaha Ataturk, waxaana xiligaa kadib xigay qaraxyo ismiidamain ah ay ragaasi sameeyeen.

Garoonka Diyaaradaha ayaa xiliga la weeraray ahaa mid mashquul badan, waxaana ka duulayay kana soo dagayay diyaarado ka kala yimid wadamo kala duwan oo caalamka ah, waxaana qaraxa kadib la joojiyay dhamaan dulimaadyadii garoonka.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadan lagu qaaday garoonka diyaardaha amagaalada Isntanbuul, waxa uuna sheegay in ujeedka loo weeraray ay aheed in borobagaando iyo magac xumo dalkiisa loo soo jiido.