Madaxwayne Obama Oo Ka Digay Dhaqaale Xumo Kadib Aftidii Britain kaga baxday Midowga yurub

0
Thursday June 30, 2016 - 10:23:18 in by salman abdi
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Obama Oo Ka Digay Dhaqaale Xumo Kadib Aftidii Britain kaga baxday Midowga yurub

    Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Hussein Obama ayaa sheegay inuu jiro walaac la xiriira koboca wakhtiga dheer ee dhaqaalaha caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Hussein Obama ayaa sheegay inuu jiro walaac la xiriira koboca wakhtiga dheer ee dhaqaalaha caalamka.

Arintaan ayuu sheegay inay daba socoto ka bixitaankii dhawaan dalka Ingiriisku uu u codeeyay inuu ka baxayo midowga Yurub (EU).

Wuxuu Obama sheegay in maalgashiga iyo fursadaha maalgashiga daafaha caalamka oo dhan ay dhibaato soo wajihi karto.

Wuxuu ka dalbaday hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub in la xaqiijiyo adeegsiga hannaan wanaagsan oo dalka Ingiriiska uu ugu dambeyn si buuxda ugaga baxo midowgaa oo Khamiistii lasoo dhaafay dadka dalkaasi Ingiriiska ay u codeeyeen in ay ka baxaan.

Dhanka kale, ayadoo habeyn hore qaraxyo ay ka dhaceen garoonka diyaaradaha ee Ata-Turki ee magaalada Istanbul Turkiga ayaa madaxweyne Obama uu sheegay inaysan nasan doonin ilaa laga cirib tiraayo afkaarta khatarta ah ee dunida qaribaada ku haya, waa sida uu yiriye.

Haatan ayaa waxaa lagu soo waramayaa dareen weerarkaa habeyn hore ka dhashay dartii meelo badan oo caalamka ah sida gudaha Mareykanka in ammaanka la adkeeyay.