Falaanqeynta Kulanka Caawa Ee Poland Iyo Portugal, Lewandowsk Mise Ronaldo Ayaa Caawa Xulkiisa Guul Ku Hoggaamin Doona?

0
Thursday June 30, 2016 - 10:32:09 in by
  • Visits: 964
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falaanqeynta Kulanka Caawa Ee Poland Iyo Portugal, Lewandowsk Mise Ronaldo Ayaa Caawa Xulkiisa Guul Ku Hoggaamin Doona?

    Wareega sideed dhamaadak tartanka Euro 2016 ayaa caawa ka bilaabanaya Marseille iyadoo xulka Poland ee macalin Adam Nawałka ay wajahayaan dhigooda Portugal ee macalin Fernando Santos uu hogaamiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wareega sideed dhamaadak tartanka Euro 2016 ayaa caawa ka bilaabanaya Marseille iyadoo xulka Poland ee macalin Adam Nawałka ay wajahayaan dhigooda Portugal ee macalin Fernando Santos uu hogaamiyo.


POLAND-vs-PORTUGAL

KUlanka:Poland Vs Portugal

Garoonka:Stade Velodrome

Saacada Geeska Afrika:9:00 Fiidnimo

Falaanqeynta Kulanka Iyo Wararka Labada Koox:

Labadaan xul ayaa kasoo kala baxay xulalka Croatia oo ay hal gool iyo waxba ku soo dirtay Portugal iyadoo Poland ay iyana rigooreyaal ku soo dhaaftay kooxda xulka Swizerland waxayna caawa madaxa iskula gali doonaan kooxdii iska xaadirin laheyd wareega afar dhamaadka balana la sameysan laheyd midkood xulalka Belgium iyo Wales oo iyana habeen danbe isku dhagan.

Labada hogaamiye ee xulalkaasi ee Robert Lewandowsk iyo Cristiano Ronaldo ayaa u baahan iney qaab ciyaareedkoodii caadiga ahaa ku soo laabtaan iyadoo labada xidig midkoodna uusan wali kasoo bixin rajooyinkii laga qabay iyadoo waliba gooldhaliyaha Bayern uusan wali wax dhibaato ah u geysan daafacyada kasoo horjeeda.

Lukasz Fabianski ayaa wali goosha ugu jiri doona Poland iyadoo Wojciech Szczesny uu wali dhibaato dhaawac la dhibtoonayo.

Portugal ayaa war farxad leh ka heshay soo laabasha Andre Gomes iyo Raphael labada xidig ayaana dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee kooxdooda.

Renato Sanches ayaa la filayaa inuu ku soo bilowdo shaxda xulkisa kadib saameyntii uu ku yeeshay kulankii ay la ciyaareen Croatia markaasoo uu badal ku soo galay qeybti danbe ee ciyaarta.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul:

Poland: Fabiański; Piszczek, Glik, Pazdan, Jędrzejczyk; Błaszczykowski, Krychowiak, Mączyński, Grosicki; Milik, Lewandowski.

Portugal: Rui Patrício, Cédric, Fonte, Pepe, Guerreiro; Silva, William Carvalho, Sanches, Mário; Nani, Ronaldo.