Fadliga Habeenka Laylatul Qadriga W/Q: Cabdilahi Abu Muscab

0
Thursday June 30, 2016 - 11:38:31 in by salman abdi
  • Visits: 1154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadliga Habeenka Laylatul Qadriga W/Q: Cabdilahi Abu Muscab

    Walaalhayga muslimka ahoow waxaan halkaan idiinku soo gudbin doonaa kalmado ku saabsan habeenkaas barakaysan ee Laylatul qadriga…

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Walaalhayga muslimka ahoow waxaan halkaan idiinku soo gudbin doonaa kalmado ku saabsan habeenkaas barakaysan ee Laylatul qadriga…


Allaah subxaanahu watacaalaa waxaa uu quraanka ku yiri ” Waxaanu soo dejinay Quraanka habeen barakaysan, Anagoo abidba u digayna aadanaha ” Suuradda Al-dukhaan , aayada 3 aad.
Waxa kaloo Allaah suuradda Al-qadar ku leeyahay ” Waxaan soo dejinay Quraanka habeenka Laylatul-qadriga, oo maxaad ka ogtahay waxa uu habeenka qadarku yahay , Habeenka qadarku wuxuu ka khayr badan yahay Kun habeen, Waxaa soo dega habeenkaas Ogolaansho rabigood xagiisa ah malaa’igta iyo Jibriil oo sida xukuno oo dhan, nabad iyo samaan xag Alle ka timid ayaa habeenkaas jirta illaa iyo inta waagu ka baryayo”..

Suuradda Al-Qadri

Qadriga waxaa loola jeedaa sharaf iyo waynayn, ama waxaa loola jeedaa qadarid iyo wax jaangoyn, maxaa yeelay habeenkaasi qadarku waa habeen sharaf leh oo weyn, Allaahna wuxuu qadaraa waxa ahaan doona sanadkaas, wuxuuna jangooyaa umuurihiisa xikmmadda ku salaysan.
Suuraddan waxay noo cadaysay fadliga faraha badan ee ku soo arooray habeenkan, kuwaasoo kala ah sidatan :-

11111
1.- In Allaah uu soo dejiyay habeenkaas Qur’aanka kariimka ah oo ah hanuun loogu talagay basharka, waana kii ay ku gaari lahaayeen liibaantooda Aakhiro iyo Adduunba.
2.-Isticmaalka la isticmaalay qaabka su’aasha iyo calaamada la yaabka oo muujinaysa qiimihiisa, ” Maxaad ka taqaan waxa uu yahay habeenka qadrigu?!!!!!
3.-In ay ka khayr badan tahay 1000 ( KUN ) bilood
4.-In malaa’igtu soo dagayso habeenkaas, iyagoo wada khayr, naxariis iyo barako
5.-In uu yahay habeen nabadgalyo, taasoo laga dheehanayo in addonka Allaah ee daacada si wacan u guta uu ka badbaadayo cadaabka iyo ciqaabta Allaah
6.- In Ilaahay uu ku khaas yeelay habeenkaas suurad dhan oo illaa qiyaamaha la akhrin doono.
Haddaba maxaa kula gudboon in aad samayso ?…
Walaalayaal waxaa arin haboon ah in qofka muslimka ahi ku dadaalo daacada iyo cibaadada Allaah habeenkaas gaar ahaan iyo guud ahaanba bishan barakaysan si uu fursadahaas qaaliga ah uga faa’iidaysto. Sida Abuu Hurayra ( ALLaha ka raali noqdee uu ka wernayo Nabigeena (NNKH) wuxuu yiri : Qofkii cibaado u istaaga habeenka qadriga, isagoo Alle ka cabsi iyo rumayn uu Allah rumaysan yahay u samaynaya, islamarkaana Allaah ajar ka dalbaya, waxaa loo dhaafaa dunuubtisii uu hormarsaday ”
Waa goorma habeenka Laylatul-qadriga ?
Habeenka uu yahay waxaa ka jira dhowr qowl oo kala duwan, hase yeeshee sida ku cad axaadiista Nabiga (NNKH) waxaa uu ku jiraa 10ka habeen ee danbe, xikmadna looga qariyayna waxa weeye si aanay muslimiintu isu dhigan oo cibaada ku dadaalaan 10ka danbe ee Ramadaan.
Nabiga(NNKH) waxaa uu yiri: ” Ka raadsha Laylatul qadriga 10ka danbe, ama sagaalka danbe” Waxaa weriayay Muslim.
Xadiis kale ayaa uu Nabigu (NNKH) ku yiri: ” Ka raadsha Laylatul-qadriga 10ka danbe, haddii hurdo idinka qaalib noqoto, yaysan kula tagain 7-da danbe” waxaa weriyay Imaamu Axmed, Sheekh Albaanina wuu saxiixiyay.
Waxaa jira sida uu werinayo Muslim in C/laahi Ibnu Cabaas uu sheegay in ay tahay 27ka, sidoo kale Ubay ibnu Kacab uu ku dhaaran jiray in ay tahay 27ka.
Sidoo kale waxaa jira aqwaasha qaar tilmaamaysa inuu guurguuro oo habeenada tirada isdheer midkood uu yahay.
Isku soo wada duub oo waxaa haboon in qofka muslimka ahi aanay dhaafin cibaada 10kaas habeen, waa fursad qaali ah, waana waqti kooban, Allaah mooyaane cid kale oo og ma jirto habenkaas uu ku beegan yahay ee saxda ah, sidaa awgeed ka faa’iidayso 10kaas habeenba oo yaanay ku dhaafin, waayo haddii Allaah ku waafajiyo waxaad la mid tahay qof cibaadaysanayay 1000 habeen oo u dhiganta 83 sano iyo afar Bilood.
Hadyigii Nabiga ee Cibaadada Habeenkaas :
1.- Sida Caa’isha(Allaha ka raali noqdee) warinayso , marka 10ka danbe la galo, Nabigu(NNKH) guntiguu giijisan jiray oo loola jeedo cibaada ayuu u diyaargaroobi jiray oo haweenkiisa wuu ka dheeraan jiray, si uu cibaadada ugu faaruqo.
2.-waxaa uu ku noolayn jiray habeenkiisa salaad (Tahajud ), adkaar, quraan akhris, danbidhaaf weydiisasho, iyo ducaba.
3.- Ehelkiisa iyo reerkiisaba wuu ka jafi jiray hurdada, taas oo ku tusinaysa qiimaha uu habeenkaas leeyahay iyo sidii uu Nabigu (NNKH) ugu dadaali jiray.
4.- Wuu ictikaafi jiray Nabigu (NNKH), asxaabtiisuna way la ictikaafeen isaga iyo gadaashiisaba ( Cashar gaar ah ayaan kaga hadlaynaa ictikaafka ).Haddaba walaalaheyga muslimiinta ahoow ku dadaala ka faa’daysashada habeenkaas, wallaahi waa fursad qaali ah haddii uu Allaah ku gaarsiiyo, waana arin laga naxo in aad ka faa’idaysan wayso khayrkaas, qofkii laga xarimo khayrkeedana waa mid shalwaday oo ay u dhamaatay. Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu naga dhigo kuwii uu gaarsiiyo habeenkaas , kana faa’iidaysta oo waafaqa hadyigii Nabiga(NNKH) ee uu habeenkaas samayn jiray.


C/CASIIS C/LAAHI

Abumuscab

063316651