Magacyada iyo Wadamada ay kasoo jeedaan dadkii ku Dhintay Weerarkii Istanbuul oo la shaaciyay (Daawo Sawirada)

0
Thursday June 30, 2016 - 12:04:53 in by Burco Office
  • Visits: 735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada iyo Wadamada ay kasoo jeedaan dadkii ku Dhintay Weerarkii Istanbuul oo la shaaciyay (Daawo Sawirada)

    Inta la xaqiijiyay 42-qof ayaa ku dhintay Weerarkii habeen hore lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Ataturk ee magaalada Istanbuul, waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawcamy in ka badan 230-qof kuwaa oo lagu daweenayo xarumaha caafimaadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta la xaqiijiyay 42-qof ayaa ku dhintay Weerarkii habeen hore lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Ataturk ee magaalada Istanbuul, waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawcamy in ka badan 230-qof kuwaa oo lagu daweenayo xarumaha caafimaadka .
Dadkan ku dhintay Weerarkan ayaa intooda badan kasoo jeeda dalka Turkiga, waxaa asidoo kale weerarkan ku dhintay 15-qof oo kale oo ajaaniib ah kuwaa oo u badan dad carab ah oo qaarkood ay ahaayeen kuwa ka shaqeenayay iyo kuwa safar ahaa.

Dowlada Turkiga ayaa shaacisay Wadamada ay kasoo kala jeedaan dadka ajaniibta ah ee ku dhintay weerada ismiidaaminta ah iyo midkii tooska aha ee lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Ataturk, waxaa dadka dhntay 5-kamid ah kasoo jeedaan Sacuudiga ,2 Iraq, 1-Tunisia, 1-Usbekistan 1-China, 1-Iran, 1-Ukrain iyo 1-Jordan.

Dadkan ajaniibta ah ee ku dhintay Weerarkan ayaa qaarkood la sheegay in ay ahaayeen xoogsato garoonka ka shaqeenayay ,waxaana dadkan dhintay ku jiray Wiil dhalinyaro ah oo guursan rabay bacdak ciid sida ay Eheadiisa sheegeen.

Halkan ka Daawo Sawirada iyo Magcayda qaar kamid ah dadka ku dhintay Weerakan ee kasoo jeeda Turkiga.