U Diyaar Garowga Ciida oo Laga Dareemayo Nairobi

0
Thursday June 30, 2016 - 12:07:39 in by Burco Office
  • Visits: 877
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    U Diyaar Garowga Ciida oo Laga Dareemayo Nairobi

    Dadka Muslimiinta ah ee reer Nairobi ayaa haatan isu diyaarinaaya maalinta ciida ah maadaama maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan lagu jiro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka Muslimiinta ah ee reer Nairobi ayaa haatan isu diyaarinaaya maalinta ciida ah maadaama maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan lagu jiro.


Soomaalida kunool xaafada Islii ee Nairobi ayaa waxay soo camireen suuqyada Islii gaar ahaan suuqa Garissa Lodge halkaas oo ay aad uga dukaamaysanayaan.

Harqaamada ayaa la' si ay u qabtaan dhammaan shaqooyinka dhar tolida ah ee dad weynuhu ay ka doonayaan.

Waxaa jira warar aanu soo xuuraansanay oo sheegaya in qiimaha dharku sare u kacay xaafada Islii gaar ahaan dharka carruurta iyo haweenka.

Sidoo kale ayaa waxaa sare u kacay qiimaha kabaha. Si kastaba ha ahaatee, waxyaabaha haataan aad suuqa u leh intaa kuma koobnee waxaa kujira xalwada iyo buskudka oo aad loo isticmaalo maalinta iida ah.

Waxaa kaloo aad dadku ugadanayaan waxyaabaha laisku carfiyo sida baraafuunada iyo catarka oo maalinta iida ah loogu tala galay.

Ugu dambeyn waxa dadka Muslimiinta ah aysan halmaami karayn ee ay aad u soo gadanayaan waa raashinka ay ugu tala galayaan zakatul fitriga ciidaan ah ciidul fitriga si ay ugaga farxiyaan dadka baahan iyo masaakiinta.