Dagaal Culus Oo Sababay Khasaare Badan Oo Dhexmaray Al Shabaab Iyo Ciidanka Somaliya Deegano Ka Tirsan Gobolka Galguduud.

0
Thursday June 30, 2016 - 12:23:45 in by Burco Office
  • Visits: 676
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Culus Oo Sababay Khasaare Badan Oo Dhexmaray Al Shabaab Iyo Ciidanka Somaliya Deegano Ka Tirsan Gobolka Galguduud.

    Ugu yaraan 24-ruux oo isugu jiray xoogag ka tirsan Al-shabaab, Ciidammo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo shacab,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 24-ruux oo isugu jiray xoogag ka tirsan Al-shabaab, Ciidammo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo shacab,

ayaa ku dhintay Dagaallo culus oo ciidammada dowladda Soomaaliy iyo Al-shabaab ku dhexmaray Deegaanka Ceel-Hareeri lagu Magacaabo oo ka tirsan Gobolka Galguduud.

Dagaalkan ayaa qarxay kaddib markii Xoogag taabacsan Al-shabaab ay si lama filaan ah u weerareen saldhig ay ciidamada Dowladda Somalia halkaa ku lahaayeen.

Taliyaha saldhigga la weeraray, Col. Axmed Maxamed oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay 18 dagaal-yahan oo Al-shabaab ah, shan askari iyo qof shacab ah.

"Al-shabaab waxay soo Weerareen saldhig, Waxaana Qarxay Dagaal la isku Adeegsaday hub kala duwan. Al-shabaab Waxay isku dayday in ay Saldhigga la wareegto, Balse waan iska caabinnay,” ayuu ku yiri Col. Axmed Maxamed hadalkiisa.

Goob-jooge ku sugan deegaanka oo lagu magacaabo, Cabdulle Iidoow oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in Dagaalkii cuslaakaddib ay arkeen ugu yaraan 20-maydad ah oo dagaalka ku dhintay.

Sidoo kale, dagaalka ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen tobaneeyo ka tirsana xoogagga Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda Somalia ee Dagaalladu ay dhexmareen, inkastoo aan tirade saxda ah ee dhaawacyada la hayn.

Idaacadda ku hadasha Afka Al-shabaab ee Andalus, ayaa baahisay in Xoogaggoodu ay la wareegeen saldhigga, ayna dagaalkaas ku dileen tiro ka tirsan ciidanka Dowladda Somalia.

Balse, Col. Axmed Maxamed ayaa diiday hadalka Al-shabaab, wuxuuna sheegay inaysan jirin saldhig ay qabsadeen, balse ay isku dayeen ayna iska difaaceen. wuxuuna yiri. "Tiro badan - ayay nagu soo Weerareen, Waanan iska difaacnay, Saldhiggana ma qabsan, balse khasaare culus ayaa dagaalka ka gaary,” ayuu hadalkiis ku daray Col. Maxamed.

Ugu dambeyn, ma jiraan ilo ka madax-bannaan labada dhinac oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay weerarkaas inta uu le’g yahay, iyadoo aysan ahayn markii u horreysay oo dagaallo ay gobolkaas ku dhexmaraan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Somalia.