Dr Sacad Cali Shire iyo Guddiga Ictiraaf raadinta somaliland ee SWEDEN oo kulan ku yeeshay Hargeysa

0
Thursday June 30, 2016 - 17:47:11 in by Burco Office
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr Sacad Cali Shire iyo Guddiga Ictiraaf raadinta somaliland ee SWEDEN oo kulan ku yeeshay Hargeysa

    Guddida ictiraaf raadinta Somaliland ee Sweden oo maalmahanba ku sugnaa dalka ayaa kulan la qaatay wasiirkka arrimaha dibada somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida ictiraaf raadinta Somaliland ee Sweden oo maalmahanba ku sugnaa dalka ayaa kulan la qaatay wasiirkka arrimaha dibada somaliland.

Gudoomiyaha gudidan Rooda Jaamac Cilmi iyo Maxamed Yuusuf Bidhiidh oo ka mida xubnaha gudidan iyo sidoo kale gudoomiyaha jaaliyada somaliland ayaa kulankan wasiirka waxay xog warran kaga siiyeen halka ay marayso arrinta ictiraaf raadinta ee laga wado dalka sweden iuo qaarada yurub,waxaanay sheegeen in baarlamaanka dalkaasi in ka badan toban jeer ay doodo toosa ka yeesheen qadiyadda somaliland,

waxaanay sidoo kale sheegeen in jaaliyadaha qaarada yurub ee somaliland iyo gudida ictiraaf taadinta ee dalku ay kaalin wayn ka qaadanayaan sidii dalku ixtiraam iyo aqoonsi biuxa uga heli lahaa wadamada caalamkageestiisana wasiirka arrimaha dibada somaliland Dr Sacad Cali Shire oo uu weheliyo gudoomiya hay’ada qurbejoogta qaranka ayaa waxay si diiran usoo dhaweeyeen dadaalada gudida ictiraaf raadinta ee dalka,waxaanu wasiirku kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan dadaalka lagu raadinayo sidii aqoonsi buuxa dalka loogu heli lahaa,waxaana la filayaa in mudada xubnaha gudidani dalka ku suganyihiin ay kulamo la qaataan hay,adaha dawlada oyo masuulinta qaranka u sarreeya.

Gudida ictiraaf raadinta soomaliland ayaa mudadii ay jireen waxay ku guulaysteen inay qadiyada somaliland geeyaan masraxyo caalamiya waxaana lama huraana in gacan buuxda laga siiyo hawlqabadka ay gudidani isu xil saareen taasoo fure u noqon karta aqoonsiga somaliland.