Haka Qadin Laylatul Qadriga.W/Q:SamSam Dagaan ISmaciil.

0
Thursday June 30, 2016 - 19:22:47 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haka Qadin Laylatul Qadriga.W/Q:SamSam Dagaan ISmaciil.

    ILAHAY ayaa mahadle inagu simay inaga oo caafimaad qabna in ay inoo soo gasho bisha barakeesan ee ramadaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ILAHAY ayaa mahadle inagu simay inaga oo caafimaad qabna in ay inoo soo gasho bisha barakeesan ee ramadaan.

waxa inagu waajiba in aan ka fayideesano bisha barakeeysan ee ramdaan iyada oo ay aad u yartey wakhtigu waayo waxa la tiriyey waa maalmo koban waana wakhti ka qaalisan 11 bilood ee ina soo dhaafay sida oo kale waxa laga yareena yaa danbigii aad soo gashay 11 kii bilood ee ka horeeyey ramdaan hadaba walalkey ga ama walalshey da muslin ka aheey aan ogaano bisha ramdaan oo aan gudano waajibka Alle ina faray .waxa ay inoo tahay fursad qaali ah oo aan dib inoo soo mari doonin waayo waa wakhti tagay iyo maamlo ina dhaafay .Alle toobada ha ina waafajiyo,dhamaanteen iyo inta jecel khayr ka.

hadaba waxa la sii kala qaybiyey bisha ramdaan iyada oo loo qaybiyey sadex qaaybod oo kala ah 10ka hore .10ka dhexe. 10ka dabe.

10ka horeya ee ramdaan waxa aad ka heleysaa raxmad iyo neecoow.

10ka dhexe ee ramdaan waxa aad ka heleysaa dabi dhaaf .

10ka dabe ee ramdaan waxa lagaa xorenyaa naarta iyo waxa kale oo ku jira habeenka laylatul khadriga oo aha habeen qaali ah oo qiimo badan iyada oo uu ilahay inoo sheegay in uu ka khaayir badanyey kun bilood Alle ha inagu simo oo ha inaga yeelo kuwa nasiibka u yeesha habaanka qiimaha badan .

Runtii waa dheertahay doodda ka taagan cayimidda habaynkaas. Ibnu Xajar iyo culumo kalaba waxay soo tiriyeen aqwaal ka badan 45. Qaar waxay dhaheen waa habaynka ugu horreeya Ramadaan; qaar kale habaynka ugu dambeeya; hadalo caan ka ah culumada waxaa ka mid ah inuu yahay 21-ka ama 23-ka ama 27-ka Ramadaan iyo hadalo kale. Waxaa aad la iskugu raacay in 10-ka ama 7-da habeyn ee Bisha ugu dambeeya laga raadsho khaasatan habeynada is-dheer.

Sida sharruuxda iyo hadallada culumada laga fahmayo waxaad mooddaa in Ramadaanka loo qaybiyey seddex tobnaad. Mid hore, mid dhexe iyo kan ugu dambeeya. Waxaa jira xaddiis saxiix ah oo odhanaya inuu nabigu (SCW) Leylatul Qadarka ka raadshay 10-ka hore haddana 10-ka dhexe markii dambana uu ka dhigtay 10-ka ugu dambeeya. Waxaad mooddaa in aan toban tobankaas laga wadin 10 habayn maaddaama ay bishu ku dhammaan karto 29 cisho. Marka hadday culumadu si cad u dhahaan 10-ka ugu dambeeya waxaa laga wadaa, laga bilaabo habaynka 21-naad .23.25.27.29.ilaa dhammaadka bisha iyadoon loo eegayn inay ku dhammaato 29 ama 30 cisho waa wax la fahmi karo.

inuu Nabigu (SCW) Habeynkaas ka raadsho 10-ka Hore iyo kan Dhexe?

Ilaah baa xaqiiqda og laakiin sida la fahmi karo waxaad mooddaa inuu nabigu (SCW) isagu ijtihaaday sidii arrintii dadkii lagu qabtay dagaalkii Badar oo kale laakiin markii dambe loo sheegay inuu ka raadsho tobanka dambe sida uu nabigu (SCW) noo sheegayba. Markuu nabigu (SCW) sheegayey inay bishu ku dhammaan karto 29 ama 30 cisho wuxuu isticmaalay gacmihiisa isagoo seddexdii jeer isa saaray si markiiba ay u noqdaan 10 ilaa markii uu ka hadlayey tan 29-ka ku dhammaata uu suul qariyey. Marka arrintani daliil ma u noqon kartaa in toban tobanka laga wado in bisha seddex qeybood oo mid toban ah tahay ee aysan khasab ahayn in tobanka ugu dambeeya uu toban noqdo?

Ilaah baa mahad lehe waxaa iska cad in waqti xaadirkan la yaqaan magaalo kasta goorta ay qorraxdu ka dhacdo ama u soo baxdo sanadka oo dhan. Waxaa iska cad in la sii saadaaliyo goorta bishu bilanayso. Arrinta bisha ma hubo in la isugu halayn karo sida qorraxda oo kale laakiin waxaa cad in la sii saadaaliyo dayax-madoobaadka. Marka waxaan aamminsanahay haddii dunida muslimku xoog iska saaraan in arrintaas laga gun gaadho karo.

Tobanka ugu Dambeeya ee Ramadaan ma 21-ka Ramadaan baa laga Bilaabaa Iyadoon loo Eegin Cadadka ay Bishu ku Dhammaanaysaa

Sida muuqata, dadka badankoodu waxay tobanka habeyn ee ugu dambeeye ee Ramadaan tirsigeeda bilaabaan habaynka 21-naad. Marar badanna, haddaysanba inta badan ahayn waxaan 9 cisho ahayn ma helno ilayn bishaa 29 ku dhammaan kartee. Sida axaadiis saxiixa oo labada sheekhba wariyen ay ee ku sugun, nabigu (SCW) wuxuu leeyahay ka fiiriya habaynada 9-aad, 7-aad, iyo 5-naad. Tirsigaan haddaan ka dhigno iyadoo tobanka habayn dhammaadka laga soo bilaabay ama lagu sameeyey waxa loo yaqaan "count down” waxaa dhici karta in khilaaf ku yimaado marka bishu ku dhammaanayso 29 iyo 30-ka; waa haddii tobanka ugu dambeeya tirintooda laga bilaabo habaynka 21-naad soonka, ayaa waxa yimada khalaf yar hadaba dhamaanteen waxa aan ina la jecely in aan ka mid noqono ku nasiibka u hela habeenka laylatul qadriga iyo in aan u shaqaysano habeenkaa oo aan guntiga dhiisha is kaga dhigno .aan iskugu yeedhno khayrka isku waani no wixii wacan ee aan ka heleyno khayr iyo dibi dhaaf waayo waxa nasiib leh qofka uu ilahay uu ka dhaafo dhibigii sa waxa ka raali noqdey alle markaa waxa uu gaadhay darajo tii ugu wacneyd ee la gaadho ama la helo ..

inta badan waxa qayb weyn ka qaata in khayr la iskugu yeedho saxibka wacan waayo waxa laga yabaa in aad wada qadataan in ka badan hal maalin iyo in ka badan markaa haduu saxiibka yahay qof wacan waxa uu ku odhan ina kici aan tukano saladee ama ina gee masajidka,markaa waxa aad racdaa saxib wacan oo kugu haga dhanka wacan iyo xaga diinta.waxa jira saxiib xun oo aan kuba xasuusineen wixii wacan ee ah raali galinta alle oo ah ta ugu mihiim san .waxa laga yabaa inuu ku horseedo dhibaato aduun iyo dhibaato akhiro markaa iska jir saxiibka xun oo raac saxiib wacan.

maan jeceleen in aan ka hadlo saxiib lakiin waxa aan marnaba meesha ka maqnaanen saxiibka waayo in badan oo wakhtigaga ka mida ayaad la qadataa saxibkaa markaa iska jir saxiib ku horseeda hoog akharo

dhamaan waxaan kula talinyaa umada muslinka ah iyo qof walba oo uu soo gaadho qoraalkani in ay ugu faayideys taan xaga wacan oo ay u noqto bararujin waayo lagama maraamo xasuusinta iyo in waxa la isku sheego waayo waxa aan nahay bini adam oo waxa inagu badan ilowsha ha hadaba aan ogaano fursada iyo bisha ramdaan ee barakeeysan

iyo laylatul qadriga. Alle ha ingu hago dariiqa toosan.

ku tashada habeenkaa qadriga tobdaa furane

waxaan dhamaan ka raali galinyaa asaxaabta ama akhriisteyaasha ku xidhan qoraalda aan qoro in aya ka raali ahadan wixii khalada ee kaga yimaada qoraalkan waayo waxaan khaldamin ilahay

wixii talo iyo toosin aha waan u bahaney waxa aad igu soo hagajin kartaa ciwaankan hoos ku qoran

W/Q SAMSAM ISMACIL CABDI

Face book samsam Degaan

samsamdagaan@gmail.com

ALLE AYAA MAHADLE