Daawo Sawirada Kulanka Saddexda Guddoomiye Xisbi Qaran La Yeesheen Safiir Cusub Oo Dawladda Jarmalku U Magacawday Somaliland Iyo Somaliya

0
Friday July 01, 2016 - 09:04:41 in by salman abdi
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada Kulanka Saddexda Guddoomiye Xisbi Qaran La Yeesheen Safiir Cusub Oo Dawladda Jarmalku U Magacawday Somaliland Iyo Somaliya

    Madaxda saddexda xisbi Qaran ee Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa kulan la qaatay safiirro iyo dublamaasiyiin ka socda dalwadda Jarmalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda saddexda xisbi Qaran ee Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa kulan la qaatay safiirro iyo dublamaasiyiin ka socda dalwadda Jarmalka.
Kulanka oo ahaa mid casho ah ka dhacday huteelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa, waxa guddoomiyayaasha saddexdaxisbi Qaran ee KULMIYE, UCID, WADDANI – Muuse Biixi Cabdi, Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay kala wehelinayeen xubno ka mid ah saraakiisha axsaabtu ay la kulmeen wefti ay hoggaaminayso Safiirka cusub ee Jarmalku u soo magacaabay Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Jutta Frasch, oo fadhigeedu yahay Nairobi.

 


Madaxda axsaabta Somaliland iyo safiirka oo dhankeeda ay la socdeen dublamaasiyiin kale waxay ka wadahadleen arrimo badan oo la xidhiidha iskaashiga labada dal ee Somaliland iyo Jarmalka, mucaawada iyo taageerada dawladda Jarmalku siiso Somaliland iyo arrimaha doorashooyinka Somaliland. Waxaannu ku dhammaaday isafgarad iyo dardaaranno labada dhinac ku kala tageen.