Maxkamadda Ugu Saraysa Dalka Australia Oo Amartay In Lagu Celiyo Doorashadii Madaxnimo Ee Dhacday Bishii May

0
Saturday July 02, 2016 - 00:30:40 in by salman abdi
  • Visits: 630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Ugu Saraysa Dalka Australia Oo Amartay In Lagu Celiyo Doorashadii Madaxnimo Ee Dhacday Bishii May

    Maxkamadda ugu sareysa dalka Austria ayaa amar ku bixisay in lagu celiyo doorashadii madaxtinimada ee dalkaasi ee la qabtay bishii May. Go'aankan ayey u cuksatay cabasho dhanka sharciga ah oo ka timi xisbiga midigta fog ee Freedom Party.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda ugu sareysa dalka Austria ayaa amar ku bixisay in lagu celiyo doorashadii madaxtinimada ee dalkaasi ee la qabtay bishii May. Go'aankan ayey u cuksatay cabasho dhanka sharciga ah oo ka timi xisbiga midigta fog ee Freedom Party.



Xisbigan ayaa ku dooday in ay jireen wax isdaba marin la xidhiidha tirinta codadkii maqnaa ee lagu soo gudbiyay dhanka boostada.
Musharaxa Xisbiga Freedom Party, Nober Hofer, ayaa u muuqday inuu hoggaanka hayay kaddib markii la xiray goobaha codbixinta.
Hasayeeshee natiijadii kama dambeysta aheyd, kaddib markii iyadoo maqan la tiriyay sanduuqyo, ayaa waxaa waxyar ka hormaray xisbiga uu xifiiltanka kala dhaxeeyo ee Green Party.
Maxkamadda ayaa dhageysatay dhowr dacwo oo lala xiriiriyay wax isbamarinno lagu sameeyay codadkii lagu soo diray boostada oo ama xilli hore la tiriyay ama ay tiriyeen dad aanan fasax u haysan inay tiriyaan.