Go'aanka Bari Golaha Guurtida La Filaayo Inuu Ka Soo Saaraan Muranka Golaha Wakiilada Oo la Shaaciyay

0
Monday February 17, 2014 - 05:52:36 in by London Office
  • Visits: 1040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Go'aanka Bari Golaha Guurtida La Filaayo Inuu Ka Soo Saaraan Muranka Golaha Wakiilada Oo la Shaaciyay

    Go'aanka Bari Golaha Guurtida La Filaayo Inuu Ka Soo Saaraan Muranka Golaha Wakiilada Oo la Shaaciyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha wakiilada somaliland
Go'aanka Bari Golaha Guurtida La Filaayo Inuu Ka Soo Saaraan Muranka Golaha Wakiilada Oo la Shaaciyay Go'aanka Bari Golaha Guurtida La Filaayo Inuu Ka Soo Saaraan Muranka Golaha Wakiilada Oo la Shaaciyay .Barito oo siniin ah ayaa la filayaa in go'aan kama danbaysa laga soo saaro muranka baahsan ee golaha wakiilada hadheeyay barayahaba,
Axadii shalay ayaa waxaa golaha guurtida somaliland ee dhedhexaadka ka ahaa khilaafka sharci ee baarlamaanka somaliland uu dhaariyay labada daraf ee ku muransan xeer hoosadka golaha wakiilada uu gudoomiyhi isku sifeeyay in awooda fiitooda golaha wakiilada uu isagu yeesho laganu ridi karo hadii cod mooshina laga keeno 55 kaas oo markii hore isku ahaan jiray shirgudoonka golaha wakiilada oo ay ka mid yihiin labada gudoomiye ku xigeen.

Murankan soo socday labadii todobaad ee u danbeeyay ayaa waxaa barito oo isniin ah la filayaa oo la cadeeyay in laga soo saaro go'aan kama danbaysa ah oo dhexdhexaad ah oo aanay golaha guurtidu cidna ugu eexan doonin kaas oo ah shirgudoonka golaha wakiilada in laga dhigo sidiisi hore codka mooshinka lagu ridi karona loo daayo 55 cod kaas oo hore ay shir gudoonku u wadaagi jireen.;sidaana waxaa noo xaqiijiyay ilo u dhuun daloola gudiga loo xulay khilaafka ee labada dhinacba ka soo kala jeeda.

Hadiiba la diido oo taas gudoomiyaha golaha guurtida ka sooo hor jeesto iyo xubnaha golaha wakiilada ee taageersan ayaa waxaa la filayaa in golaha guurtidu dib isugu noqdo oo laga dhigo cod isku mid ah kaas oo ah ka xeer hoosaadka ay ku soo ansaxiyeen golaha baaralamanka somaliland 42 cod in sadexda gudoomiye lagu ridi karo kuraastana ay u sinadaan xagasarena ka wada gudoomiyaan golaha wakiilada looguna yeedhi sidii hore shirgudoonka golaha wakiilada (awood isku mid ah).??

Si kastaba ha ahaate waxaa dhagaha dadwaynaha ka batay golihii wakiilada ayaa isku haysta awoodo kala duwan waxaana shacabka somaliland ay aad uga soo hor jeedaan khilaafkan baahsan ee ay golaha wakiiladu baryahan isku dhex wadeen kaas oo u muuqda mid dan gaara ah ee aan ka turjumayn danta dadka soo doortay golahan wakiilada.



Afkashacabka.Com
Hargeysa/Office
Xigasho QoryaaleNews.Com