Ma Xukumadda, Ma Xeer­_ Dejintaa Ma Xirsibaa, mise waa Xisbiyada?

0
Monday February 17, 2014 - 10:05:14 in by Super Admin
  • Visits: 1209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Xukumadda, Ma Xeer­_ Dejintaa Ma Xirsibaa, mise waa Xisbiyada?

    Waa su,aal kamid ah su,aalaha ugu waaweyn ee todobaadkan aynu ku jirno iyo kii ka horeeyey la isku waydiinayo madalaha ay bulshadu ku kulanto,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa su,aal kamid ah su,aalaha ugu waaweyn ee todobaadkan aynu ku jirno iyo kii ka horeeyey la isku waydiinayo madalaha ay bulshadu ku kulanto,

Waa su,aal kamid ah su,aalaha ugu waaweyn ee todobaadkan aynu ku jirno iyo kii ka horeeyey la isku waydiinayo madalaha ay bulshadu ku kulanto, haddii ay tahay Makhaayadaha, Marfishyada, Meheradaha iyo Miisaska barlamaanka, dhanka kalena waxaa si weyn araarahooda iyo aragtiyahooda isku dhaafsanayey saxaafada iyo barta ay bulshadu inta badan ku kulanto ee internetka in ka badan kumanaan ruux oo u badan dhalinyarada reer Somaliland kuwaas oo ku niqaashayey xilaafka ka taagan goolaha baarlamaanka Somaliland oo qofkastaba dhan gaar ah iska taagay.

.

Waxaan haddaba jecleystay inaan is dul taago bulshadana u iftiimiyo su,aasha jawaabteeda oo kooban kuna dhisan aragti sharci kana dheer mid shaqsi, Sharci markaan leeyahayana ma adeegsanayo xeerar balse waxaan soo qaadanayaa qodobo Distoori ah oo ku jira Distoorka Jamhuuriyada Somaliland maadaama uu uu distoorku yahay xeerka ugu sareeya dalka marka laga imaado shareecadeena suuban

Waa qeyb kamid ah sunnada nolosha inuu jiro khilaaf markasta, kuna imaado dhanka awood qeybisiga, aduun qeybsiga, aqoon qeybisga iyo waliba aragtid qeybsiga

Markasta oo uu khilaaf imaadana waxaa hubinti ah in la helo khad lagaga baxo laguna xaliyo khilaafkaas

Haddaba aan ku horeeyo xukumada iyo xanteeda xalinta khilaafka baarlamaanka.

Dhibkasta oo dhacda cida masuuliyadeeda madaxa loo saaraa waa xukumada hadba markaas talada wadanka gacanta ku haysa iyo cida hogaaminteeda wada

Xukumada waxaa waajib weyni ka saaran yahay Ilaalinta Amaanka wadanka, xuduudaha dalka, Daryeelka Bulshada sida adeega ilaheeda aasaasiga u ah noloshooda oo ay kamid yihiin Caafimaadka, Dhaqaalaha, Waxbarashada, Wadooyinka, Biyaha, Beeraha, badaha, ilaalinta kheyraadka guud ee dalka

Faa,ido ugu jirtaa khilaafka Barlamanka xukumada horta ma jirto waxaan culeys iyo ciil aheyn mana faro galin karta awoodna uma laha faragalinta arimaha baarlamaanka sida uu dhigayo distoorka dalku Madaxweyne silanyana ka sheegay Madaarka Hargeisa kadib markii uu ka soo laabtey safar uu ku tagay dalka England mar uu la hadlayey saaxafada Somaliland doorka xukumaduna waa xal u helida khilaaf kasta oo dalka soo wajaha milgaheeda iyo masuuliyadeedana maaha hurinta dhib aan loo baahneyn.

Dhanka xeer dejinta ama baarlamaanka dabcan anigoon cidna si gaar ah u dhaliileyn waxaan shaqsiyan la ayaaba markaan saxaafada ka maqlo qaar ka tirsan xildhibaanada goolaha wakiilada oo aan u hayo ixtiraam iyo qadarin badan balse aan dhibso mararka qaar hadaladooda isna waydiiyo xildhibaanadu maaney aqoon u laheyn shuruucda ay umada u dejinyaan iyo distoorka wadanka? Iyaga oo dhanka xukumada si gaar ahna farta ugu fiiqa in khilaafka ka aloosan goolahooda daba ay ka riixayso xukumadu!

Baarlamaanku waa goolaha matala am ka wakiilka ah Bulshada Somaliland oo dhan waxaaney leeyihiin awoodo badan oo uu siiyey distoorku sida uu dhigayo qodobka53aadoo ka hadlaaya awoodaha iyo waajibaadka goolaha wakiilada.

Isla qodobka 37aad ee Distoorka firqadiisa 2aad ayaa sheegaysa Madaxbanaanida uu siiyey barlamaanka distoorku iyada oo firqadaasi 2aad leedahay:

Dhismaha Qaranku wuxu ka kooban yahay sadex waaxood oo kala ah: Xeer-dejinta, fulinta iyo garsoorka. Kala xadeynta awoodaha sadexda waaxood waxay noqon doonaan sida distoorku dhigayo iney waax waliba u madax banaan tahay awooda distoorku u gaar yeelay

Waxaynu qodobkan ka fahmeynaa madax banaanida uu distoorku kala siiyey sadexda waaxood ee qaranku ka kooban yahay sida Baarlamaanka, Xukumada iyo Garsoorka kuwaas oo midna mida kale aanu si sahlan u faro gashan Karin hawlihiisa qarank uu u hayo ilaa duruufo gaar ah oo reeban mooye

Marka ay haddaba sidaas tahay waxaa nusqaan ku ah xildhibaanada qaarkood iney yidhaahdaan xukumada ayaa faraha kula jirta baarlamaanka balse aaney arkeyn awoodooda distooriga ah iyo madaxbanaanida uu hayso barlamaanku

Xirsi waxaa uu kamid yahay goolaha wasiirada xukumada waxaanu sidoo kale caan ku yahay canaanta ficil kasta oo ka dhaca dalka iyada oo si gaar ah loogu badhtilmaameedsado waxyaabaha dhaawaca ku ah xukumada iyo khaladaadka ka dhaca hawlaha maamul ee maalinkasta la fuliyo balse aan marnaba lagu xasuusan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha wadanka ee uu gacanta ku hayo iyada oo aanad arkeynba cid si gaar ah ugu amaaneysa dhalaan gadiska ka muuqda wadooyinka dalka ee halbowlaha u ah isku xidhka wadanka iyo kor u qaadista dhaqaalaha wadanka, sidoo kalena muuqaalka qasriga madaxtooyada oo ah muraayada wadanka isla markaana uu ka yahay masuulka uu madaxweynuhu u igmaday wanaaga ka muuqda,

Waxaanan u arkaa inuu yahay qof fir fircoon oo shaqadiisi qaranka uu u hayey intii tamar iyo taagi dhigteyba wada balse aan ku haysan amaanteedii iyo amaankeedi waxaana canaanta badan iska leh masuuliyada ama kursiga oo ah dhinbiil naar ah

Xubnaha leh xirsibaa ka danbeeyey khilaafka barlamaankana waxaan leeyahay Xirsi waa wasiir kamid ah wasiirada xukumada ee xilkooda gudanaya balse idinka Ayaan idin dhaafi awooda distooriga ah ee uu khalkhalka ku galinyo baarlamanka barta uu distoorku ugu qoray ee uu ku idhi xirsi ayaa ayaa xaq u leh farogalinta barlamaanka?

Ugu danbeyntii waxa cad oo marag madoonto ah in xilaafka ka taagan baarlamanku yahay mid dhexdooda ah oo aan xukumad iyo xirsi toona shaqo ku laheyn balse ay tahay mid ku kooban xildhibaanada goolaha baarlamaanka oo ay jiraan masaalix xisbiyada dhexdooda ah maadaama oo xildhibaan kastaba ka imid xisbi xukumada iyo xisbiguna waa 2 kala duwan sida uu distoorku dhigayo

Xalkuna kuma jiro in 2ba dhinac oo goolaha kamid ah guddi loo saaro balse waxaa uu xalku yahay in loo yeedho guddi dhex dhexaad ahna loo sameeyo khilaafkan baarlamanka maadaama oo ay iga gudahooda xalki xalinta khilaafkooda waayeen haayadaha kala:

1.Goolaha Culimada Wadanka oo distoorku qeexayo balse aan sameysnayn jiraana culimo badan oo muxtarim ah kalmadoodana la dhageysanayo

2.Akademiga Nabada iyo Horumarka

3.Mahadka Xalinta Khilaafaadka Jaamacada Hargeisa

4.Dallada ururada dhalinyarada Sonyo

5.Dallada Ururada aan dawliga aheyn

6.Salaadiinta wadanka

7.Ururka Qareenada Somaliland

8.Ururka Suxufiyiinta Somaliland

9.Akademiga Horumarka Bulshada laga tiradan badan yahay

10.Goolaha Guurtida Somaliland oo kaashanaya Madaxweynaha Qaranka maadaa oo uu yahay xubinta ugu sareysa wadanka.

Alla Mahad leh

Somaliland Guul iyo Gobonimo

Haldoor Barkhad Jama Hirsi Batuun

Email:Barkhad909@live.com