Daawo Sawirda: Barcelona Oo Maanta Camp Nou Ku Soo Bandhigtay Saxiixa Denis Suarez Isaga Oo Dib Ugu Soo Laabtay Kooxdiisii Hore Ee Balaugrana
Denis Suarez ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay heshiis afar sano ah oo uu Camp Nou ku joogi doono isaga oo waliba doorasho u haysta in uu sanadka shanaad ku kordhisto inkasta oo ay ku xidhan tahay kulamada uu safto afarta sano ee uu hadda saxiixay.
Madax waynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa farxad ka muujiyay in Denis Suarez uu dib ugu soo laabtay Camp Nou iyo halkii uu ka soo bilaabay waayihiisa ciyaareed. Tababare Luis Enrique ayaa ilaa bishii January doonayay in uu Denis Suarez dib ugu soo celiyo Barcelona isla markaana uu doorashada afraad u noqdo Messi, Suarez iyo Neymar ama uu mararka qaar khadka dhexe ka ciyaari karo.
Heshiiska uu Denis Suarez u saxiixay kooxda Barcelona ayaa lagu burburin karaa 50 milyan oo euros. 22 jirkan ayaa qaab ciyaareed aad u fiican ku soo badhigay kooxda Villarreal taas oo keentay in Barcelona ay dhaqan galiso qodobkii ay xaqa ugu lahayd in ay dib u soo iibsan karo Suarez.
Xarunta War Qabadka Afkashacabka
Daawo Sawirda: Barcelona Oo Maanta Camp Nou Ku Soo Bandhigtay Saxiixa Denis Suarez Isaga Oo Dib Ugu Soo Laabtay Kooxdiisii Hore Ee Balaugrana
Kooxda Barcelona ayaa maanta arbaco ah si rasmi ah saxaafada ugu soo bandhigtay saxiixa kowaad ee ay xagaagan samaysay oo ah Denis Suarez oo ay dib ugala soo wareegtay kooxda Villarreal.Blaugrana ayaa dhaqan galisay qodob ugu jiray heshiiskii uu Deni