Daawo Sawirada" Messi iyo Aabihiis oo lagu riday Xukuno isugu jira Xabsi iyo Ganaax lacageed

0
Thursday July 07, 2016 - 10:19:59 in by Burco Office
  • Visits: 1300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada" Messi iyo Aabihiis oo lagu riday Xukuno isugu jira Xabsi iyo Ganaax lacageed

    Xiddiga kooxda Barcelona Lionel Messi iyo aabihiis Jorge Horacio Messi ayaa lagu xukumay xabsi 21 bilood ah ka dib dacwadii ka socotay maxkamada sarre ee magaalada Barcelona, iyadoo lagu helay danbi ah inay maamulka dowlada Spain ka qiyaameeyeen laca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga kooxda Barcelona Lionel Messi iyo aabihiis Jorge Horacio Messi ayaa lagu xukumay xabsi 21 bilood ah ka dib dacwadii ka socotay maxkamada sarre ee magaalada Barcelona, iyadoo lagu helay danbi ah inay maamulka dowlada Spain ka qiyaameeyeen lacag canshuur ah oo gaareysa 4.1 milyan euro.
Labada nin ayaa lagu helay dambi ah inay isticmaaleen shirkada been abuur ah oo laga diiwaangeliyay Belize iyo Uruguay si ay uga fogaadaan inay canshuur gaareysa 4.16 milyan euro ka bixiyaan lacagtii Messi ka soo gashay heshiisyadiisa xayaysiinta inta u dhaxeysay 2007 iyo 2009.

Inkastoo xukun xabsi ah lagu riday hadana waxa ay u badan tahay in xukunkaas hakad la geliyo iyadoo Spain ay caam ka tahay in danbiga koowaad xukunkiisa hakad la geliyo haddii xukunka uu ka yar yahay labo sannadood. Laakiin haddii danbi kale lagu helo waxaa la isagu darayaa 21ka bilood iyo xukunka danbiga cusub.

Lionel Messi iyo aabihiisa ayaa diyaar u ah inay aadaan maxkamada ugu sareysa dhanka sharciga si ay u nadiifiyaan magacooda.

Qareenada Messi ayaa aaminsan in xukunkaan uu yahay adag madaama lacagtii la sheegay in Spain laga qiyaameeyay la bixiyay iyadoo dhameystiran.

Warbixin ay baahiyeen qoyska Messi ayaa lagu sheegay inay yihiin wadaniyiin tusaale u noqon kara dadka kale.