Hordhac: Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Badan Ee Dhexmari Doona Germany v France
ayaa aheyd markii todobaad oo xulka martigeliyayaasha ay ka reebaan Koobka Adduunka ama Qaramada Yurub – iyadoo lix ka mid ah kulamadaas ay ku reebeen wareega semi-finalka.
Mid ka mid ah guulahaas waxa ka mid ah kulankii ay la ciyaareen France 1982 waana mid ka mid ah kulamadii ugu xusuusta badnaa Koobka Adduunka.
Ka dib barbaro 3-3 ah, Germnay ayaa rigoore ku badisay markii ugu horeysay abid ee rigoore lagu kala baxo Koobka Adduunka.
Waa markii shanaad oo ay France iyo Germany ku kulmayaan kulan tartan weyn ah, iyadoo afartii jeer ee hore ay seddex ka mid ah badisay xulka Jarmalka halka kulanka kale ay badisay France. Labadaan xul xulkii soo gudba waxa ay finalka la ciyaarayaan xulka Portugal oo soo dhaafay.
MAXAA CUSUB?
Germany ayaa waxaa ka maqan daafaca Mats Hummels oo ganaax kaga maqan iyo labada xiddig ee dhaawacan Sami Khedira iyo Mario Gomez.
Bastian Schweinsteiger ayaa isagana jilibka ka dhaawacmay kulankii Italy laakiin waxa uu tababarka ku soo laabtay shalayto oo arbaco aheyd, waxaana uu ku soo bilaaban doonaa kulanka France sida uu sheegay tababare Joachim Low.
Macalinka reer France Didier Deschamps ayaa go’aansanaya haddii uu daafaca ku sii heysanayo Samuel Umtiti ama haddii uu dib ugu soo yeeranayo Adil Rami kaasoo dhameystay ganaax hal kulan ah.
Xiddiga khadka dhexe N’Golo Kante ayaa sidoo kale ka soo laabanaya ganaax hal kulan ah.
Deschamps ayaa heysta koox taam ah uu ka soo xusho shaxdiisa iyadoo 23ka ciyaaryahan ay tababar qaateen shalayto oo arbaco.
SHAXDA MACQUULKA AH:
Germany: Neuer; Kimmich, Boateng, Höwedes, Hector; Kroos, Schweinsteiger; Draxler, Özil, Götze; Müller.
France:Lloris; Sagna, Umtiti, Koscielny, Evra; Pogba, Matuidi; Sissoko, Griezmann, Payet; Giroud.
MA OGTAHAY?
- Waa markii shanaad oo ay Germany iyo France ay isaga horimaanayaan kulan koob weyn ah laakiin waa markii ugu horeysay ee ay isku wajahayaan koobka Qaramada Yurub.
- France ayaa badisay kulankoodii ugu horeysay ee Koobkii Adduunka ee 1958 halka ay Germany ay gacanta sarre heshay seddexdii kulan ee ku xigtay ee 1982, 1986 iyo 2014.
- Kulankii ugu danbeeyay ee labada kooxood dhexmara waxa uu ahaa bishii November 2015, France ayaa 2-0 ku badisay iyadoo ay hareeyeen qaraxyadii Paris
Hordhac: Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Badan Ee Dhexmari Doona Germany v France
Markii ugu danbeysay ee ay Germany ku wajahdo xul martigelinaya koob weyn wareega semi-finalka waxa ay ku badiyeen 7-1. Guushii ay ka gaareen Brazil labo sannadood ka hor