Chelsea Oo Messi Ka Badbaadineysa Xabsiga Iyo Wargeysyada Iyo Waxyaabihii Ay Ka Qoreen Suuqa Kale Iibsiga Ciyaartooyda

0
Thursday July 07, 2016 - 14:19:31 in by Burco Office
  • Visits: 1025
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo Messi Ka Badbaadineysa Xabsiga Iyo Wargeysyada Iyo Waxyaabihii Ay Ka Qoreen Suuqa Kale Iibsiga Ciyaartooyda

    Ciid wanaagsan, duhur wanaagsan dhamaan aqristeyaasheena sharafta mudan kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wargeysyada iyo waxyaabihii ay ka qoreen suuqa kale iibsiga ciyaartooyda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciid wanaagsan, duhur wanaagsan dhamaan aqristeyaasheena sharafta mudan kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wargeysyada iyo waxyaabihii ay ka qoreen suuqa kale iibsiga ciyaartooyda,
 sida caadada inoo ahba waxaan war waliba ku hor qornay halkii ama wargeyskii aan ka soo qaadanay xaqiiqada iyo jiritaanka warkaana waxaa ka masuul ah boga aan ka soo xiganay.
the sun

Chelsea ayaa kula biirtay Manchester City tartanka loogu jiro saxiixa xidiga Barcelona ee Lionel Messi kadib markii aabaha dhalayay xidiga, Jorge, uu wada hadalo la qaatay Roman Abramovich.

Daafaca talyaaniga ah ee Leonardo Bonucci ayaa doonaya inuu Antonio Conte ugu raaco Chelsea heshiis ku kacaya £38 milyan oo pound oo lamid ah kii laga soo diiday Manchester City shalay.

Conte ayaa sidoo kale uga digay Barcelona isku daygooda saxiixa Cesar Azpilicueta.

Manchester United ayaa jabin doonta rikoorka suuqa kale iibsiga caalamka si ay Juventus uga soo ceshato Paul Pogba lacag dhan £100 milyan oo pound.

West Ham ayaa afduubtay heshiis kii Crystal Palace ee ahaa £30 milyan ee xidiga Liverpool Christian Benteke.

Manchester City ayaa dalab £40 milyan ah ka gudbin doonta xidiga Everton ee John Stones.

Bournemouth ayaa isku diyaarineysa iney dalab £15 milyan ah ka gudbiso garabka Liverpool Jordon Ibe.

daily mirror

Manchester City ayaa diyaar u ah iney £100 milyan oo pound kula soo wareegto labada daafac ee Leonardo Bonucci iyo John Stones.

West Ham ayaa layaabtay dalabka Carlos Tevez ee ahaa mushaar £250,000- oo pound todobaadkii si uu ugu soo laabto kooxdaas.

Victor Valdes ayaa dab ku sii shiday wararka sheeagaya inuu ku biirayo Middlesbrough kadib markii uu xalay "Followā€¯ gareeyay bartooda Twitterka.

Jose Mourinho ayaa haatan diirada ku haya saxiixa Paul Pogba kadib dhameystirkii Henrikh Mkhitaryan oo ugu dhaqaaqay £26.3 milyan kooxda Manchester United.

daily star

West Ham ayaa la sheegayaa iney u dhaqaaqeyso weeraryahanka AC Milan Carlos Bacca kadib markii lacag looga dulqaaday dhigiisa Liverpool Christian Benteke.

Sevilla ayaa xaqiijisay xiisaha ay u qabto xidigaha Liverpool ee Joe Allen iyo Luis Alberto.

daily express

Tottenham ayaa isku dayi doonta saxiixa xidigaha khadka dhexe ee Newcastle Moussa Sissoko.

Radja Nainggolan ayaa iska diiday Chelsea si uu u sii joogo kooxda Roma.

Torino ayaa hogaamineysa loolanka loogu jiro Emanuele Giaccherini laakin ciyaariyahanka Sunderland ayaa ku riyooda Chelsea.

daily mail

Paris Saint-Germain ayaa xiiseyneysa xidiga Manchester United Bastian Schweinsteiger.

Middlesbrough ayaa si layaab leh u xiiseyneysa Robin van Persie.

daily telegraph

Manchester City ayaa kordhin doonta lacagta ay ku doonayaan Leonardo Bonucci, kadib markii ay Juventus soo diiday dalabkii furitaanka ee ahaa £38.6.

Xiriirka kubada cagta ingiriiska ee FA ayaa raadinaya iney wada hadalo la furaan Arsene Wenger iyagoo rajeynaya inuu qabto shaqada England.

Liverpool ayaa wada hadalo qandaraas kordhin ah la furtay Jurgen Klopp si uu ula sii joogo waqti dheer.