WarDeg Deg Ah:Xulka France Oo Xasuuqay Ban U Geestay Germany Oo Iska Xaadiriyay Finalka Euro 2016

0
Friday July 08, 2016 - 00:22:20 in by Burco Office
  • Visits: 1551
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WarDeg Deg Ah:Xulka France Oo Xasuuqay Ban U Geestay Germany Oo Iska Xaadiriyay Finalka Euro 2016

    Xulka qaranka France ayaa u soo baxay finalka tartanka ay koobkiisa marti galinayaan ee Euro 2016 kadib markii ay 2:0 ku garaaceen xulka qaranka koobka aduunka haysta ee Germany

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka qaranka France ayaa u soo baxay finalka tartanka ay koobkiisa marti galinayaan ee Euro 2016 kadib markii ay 2:0 ku garaaceen xulka qaranka koobka aduunka haysta ee Germany

. Antoine Griezmann ayaa xulka qaranka ka caawiyay in ay u soo baxaan finalka tartanka qaramada Yurub kadib markii uu laba gool ku qalbi jabiyay jamaahiirta iyo xulka qaranka Germany. Antoine Griezmann ayaa lix gool ku qabtay hogaanka gool dhalinta Euoro 2016 wuxuuna sidoo kale sameeyay intii uu tartanku socday laba gool caawineed.

Xulka qaranka France ayaa finalka tartanka qaramada Yurub ee Euro 2016 la ciyaari doona Portugal oo iyaguna xalay u soo baxay finalka kadib markii ay 2:0 ku garaaceen Wales. Antoine Griezmann iyo Cristiano Ronlado ayaa muddo dhawr bilood gudaheed ah iskaga hor iman doona final kale iyaga oo hore iskugu soo arkay finalkii Champions Leaque-ga.

SHIXIHII LABADA XUL QARAN EE KULANKAN:

GERMANY (4-2-3-1): Neuer; Kimmich, Howedes, Boateng, Hector; Can, Schweinsteiger (c); Ozil, Kroos, Draxler; Muller.

Kaydka:Leno, Mustafi, Tah, Schurrle, Podolski, Weigl, Gotze, Sane, Ter Stegen.

FRANCE (4-2-3-1): Lloris (c); Sagna, Umtiti, Koscielny, Evra; Pogba, Matuidi; Sissoko, Griezmann, Payet; Giroud.

Kaydka: Mandanda, Jallet, Rami, Mangala, Digne, Kante, Cabaye, Schneiderlin, Gignac, Martial, Coman, Costil.Alemania-Francia en imágenes

Kulankan ayaa ahaa kulan adag oo si wayn loo sugayay isla markaana laga dhur sugayay qaabka ay labda xul qaran iskala hor iman doonaan. Xulka qaranka France ayaa markiiba weerar ku bilaabay difaaca Germany waxaana fursadii ugu horaysay ee ciyaarta goolka furitaanka France ku dhalin gaadhay Griezmann kaas oo helay fursad aad u fiican laakiin goolhaye Manuel Nueur ayaa darbadiisa dirqi iskaga saaray.

Laakiin Germany ayaa markiiba ka falceliyay halista goolkooda soo gaadhay waxaana laba fursadood oo deg deg ah helay Muller iyo Emire Can. Marka hore daqiiqadii 13 aad Muller ayaa fursad fiican ka helay difaaca France wuxuuna kubbad ku dhex helay xerada ganaaxa basle darbadiisa ayaa banaanka martay. Halka daqiiqadii 14 uu Emre Can si toos ah uu u toogtay goolka France balse markan Hugo Lloris ayaa sameeyay badbaadin fiican.

Germany ayaa si buuxda ciyaarta gacanta ugu qaybtay waxayna bilaabeen in ay weeraro joogta ah ku qaadaan isla markaana waxay difaaca ku soo ururiyeen ciyaartoyda France. Xulka qaranka marti galinaya Euro 2016 ee France ayaa culays badan kala kulmay weerarka Germany laakiin waxaa dhibaato ku noqotay in ay fursadahooda goolal u badalaan.

DAQIIQADII 42 aad France ayaa heshay fursad dahabi ah oo aan la qiyaasi karin laakiin waxaa sida ugu xun u qasaariyay Olivier Giroud kaas oo kubbad madax ah ku soo dhaafsaday difaaca Germany ee Boatengwuxuuna helay kubbad uu hal-ka-hal ugula soo baxay goolka Germany Boateng wuxuuna Giroud haystay laba fursadood oo kala ah in uu darbo goolka ah sameeyo iyo in uu saaxiibkiisa dhinaca midig uga boos qaatay oo banaan joogay uu kubbada u dhiibto laakiinBenedikt Howedes ayaa sameeyay daboolis muhiim ah wuxuuna sidaa ku dilay fursad halis ahayd.

DAQIIQADII 45+2 AAD GOOOOOL…GOOOOOOL:Xulka qaranka France ayaa ugu danbayn hogaanka ciyaarta la wareegay kadib markii uuAntoine Griezmannuu udhaliyay goolka furitaanka oo ahaa gool rekoodhe ah, wuxuuna jahada qaldan u diray Manuel Nueur. Ciyaarta ayaa noqotay 1:0 ay martigaliyaasha Euro 2016 ee France ay hogaanka kula wareegeen. Goolkan ayaa ahaa goolkii 5 aad ee uu Griezmann uu ka dhaliyay Euro 2016.Alemania-Francia en imágenes

Alemania-Francia en imágenes

Griezmann oo jahada qaldan u diyaraya Manuel Nueur.

Iyada oo qaybta hore ee ciyaartu ay tahay dhamaad ayuu kabtanka xulka qaranka Germany eeBastian Schweinsteigeruu sabab u noqday in xulka qarankiisa rekoodhe lagu dhigo kadib markii uu gacan ku taabtay kubbad madax ahayd oo uu Evera doonayay in uu gool ku dhaliyo, garsooraha ree Italy eeNicola Rizzoliayaa kaadhka digniinta ah u taagay Bastian Schweinsteiger halka uu sidoo kale siiyay Ozil oo ka cadhooday gool ku laadka xulka qarankiisa lagu dhigay.

Go’aanka garsooreNicola Rizzoli ayaa ahaa go’aan sax ah iyada oo kabtanka Germany ee Bastian Schweinsteiger uu qalad ku lahaa in uu maamuli kari waayay inuu gacmihiisa laabto isaga oo ku jiray xerada ganaaxa xulka qarankiisa, waxayna qaybta hore ku dhamaatay 1:0 ay France hogaanka ciyaarta ku haysay balse Germany ay hayad xulka fursadaha ugu badan abuuray.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta markale France ayaa si fiican ciyaarta ku bilaabatay waxaana fursad cajiib ah helayOliveir Giroud kaas oo markale lumiyay fursad gool lagu dhalin karayay, waxaana lays waydiinayay in France ay ka shalayn doonto fursadaha uu lumiyayOliveir Giroud.

Laakiin Germany ayaa markale ahaa xulka qaranka boosishanka ugu badan iyo kubbad haynta intaba ku horeeyay waxaana iyaga dhibaato wayn ku ahaa in ay ka faa’iideeyaan fursad abuurista ay samaynayeen xidigaha khadka dhexe. Xaalada Germany ayaa sii xumaatay kadib markii daqiiqadii 59 aad ciyaarta dhaawac looga saaray difaacaJerome Boateng waxaana lagu soo badalayShkodran Mustafi.

DAQIIQADII 72 GOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL.GOOOOL:Markale xulka qaranka France ayaa helay goolkooda labaad waxaana markale indhaha aduunka xadayAntoine Griezmann kaas oo markan ka faa’iidaystay kubbad uu qalad wayn ku lahaa goolhaye Manuel Nueur isla markaana ay difaaca Germany iska saari kari waayeen wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay France hogaanka ku dheeraysatay.

Alemania-Francia en imágenes

Marka hore Paul Pogba ayaa qaab indho sarcaad ah ku kala jeediyayKimmich kaas oo awoodi wayay inuu Pogba ka joojiyo in uu kubbada u soo karooso xerada ganaaxa, waxaa marka hore kubbada uu Pogba soo karoosay isku dayay in uu iska saaro Manuel Nueur laakiin waxay si naxariis leh ugu tagtayAntoine Griezmannkaas oo sidaa ku dhaliyay goolkiisii lixaad,wuxuuna aad ugu sii dhawaanayaa hanashada kabta dahabka ah ee Euro2016.

DAQIIQADII 75 AADKimmich ayaa ku dhawaaday in uu dib u saxo qaladkii uu sameeyay wuxuuna darbo cajiib ah uu ku tuuray goolka France laakiin nasiib xumadiisa darbadan ayaa BIRTA goolka ku dhacday, halka wax yar kadib uu Draxler uu isna Germany goolka furitaanka u keeni gaahay.

Wax kasta oo uu sameeyay xulka qaranka Germany waxa uu awoodi waayay in uu dhaafo difaaca birta ahaa ee xulka qaranka France iyo waliba goolhaye Hugo Lloris waxayna ugu danbayn ciyaartu ay ku dhamaatay 2:0 ay uu France ku garaacay Germany isla markaana uu kaga aarsaday guuldaradii koobkii aduunka ee 2014 kii.