France vs Portugal: Goormaa La Ciyaarayaa, Halkeed Ka Daawan Kartaa? & Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Finalka Euro 2016 Halkan Kaga Bogo.

0
Friday July 08, 2016 - 10:01:49 in by Burco Office
  • Visits: 1066
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    France vs Portugal: Goormaa La Ciyaarayaa, Halkeed Ka Daawan Kartaa? & Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Finalka Euro 2016 Halkan Kaga Bogo.

    Xulalka Portugal iyo France ayaa isagu soo baxay kulanka kama danbeysta ee tartanka koobka Qaramada Yurub ee ka socda dalka Faransiiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulalka Portugal iyo France ayaa isagu soo baxay kulanka kama danbeysta ee tartanka koobka Qaramada Yurub ee ka socda dalka Faransiiska

, iyadoo France ay xalayto ka soo gudubtay kulankii wareega afar dhamaadka xulka Jarmalka oo ay 2-0 kaga badiyeen halka xulka Portugal ay iyagana dhankooda 2-0 ku soo dardareen habeen hore xulka Wales.

Hadaba wax walba oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato kulanka kama danbeysta ah ayaan halkaan idiin kugu soo koobnay.

collage_1-large_trans++qVzuuqpFlyLIwiB6NTmJwfSVWeZ_vEN7c6bHu2jJnT8

Waa maalintee finalka Euro 2016?

Waa maalinta axada, 10ka bisha Luuliyo. Gobaabin gaduudan ku asteyso taariikhda.

Halkee lagu qabanayaa finalka?

Paris! Garoonka Stade de France ayaa martigelin doona ciyaarta kama dambeysta ah.

Waqtigee ayay ciyaarta bilaabaneysaa?

10ka habeenimo SGA (Saacada Geeska Afrika)

Halkeed ayaad ka daawan kartaa finalka?

Madaama ay final tahay haddii aad joogto Ingariiska waxaad ka daawan kartaa labada kanaal ee BBC1 iyo ITV1. Haddii aad joogto Geeska Afrika iyo wadamada Carabta waxaad ka daawan kartaa beIN Sports, haddii aad joogto Mareykanka waxaad ka daawan kartaa ESPN, Canada waxaad ka daawan kartaa TSN.

102720767-France-Celeb-SPORT-large_trans++ZgEkZX3M936N5BQK4Va8RWtT0gK_6EfZT336f62EI5U

Sidee ayay France ku soo gaartay Finalka?

Group A

France 2 Romania 1

France 2 Albania 0

France 0 Switzerland 0

Group A

Xulalka Kulamada Dhibcaha
1 France 3 7
2 Switzerland 3 5
3 Albania 3 3
4 Romania 3 1

Wareega 16ka

France 2 Ireland 1

Wareega 8da

France 5 Iceland 2

Wareega afar dhamaadka

France 2 Germany 0

102625581-ronaldo-bale-sport-large_trans++eK8ehqBZJSTiVTgumtathedJbc4ZOywsMTk-GlW-2_s

Sidee ayay Portugal ku soo gaartay finalka?

Group F

Portugal 1 Iceland1
Portugal 0 Austria 0
Portugal 3 Hungary 3

Group F

Xulalka Dhibcaha Dhibcaha
1 Hungary 3 5
2 Iceland 3 5
3 Portugal 3 3
4 Austria 3 1

Wareega 16ka

Portugal 1 Croatia0 (30ka daqiiqo ee dheeriga)

Wareega 8da

Portugal 1 Poland 1 (5-3 rigoore)

Wareega afar dhamaadka

Portugal 2 Wales 0

Maxaa Ka Cusub Labada Xul?

Francema jiro ciyaaryahano ganaax kaga maqan kulanka axada ee kama danbeysta.

William Carvalho ayaa ganaax uga soo laabanayaPortugalwaxaana uu khadka dhexe ka bedeli karaa Danilo, halka Pepe la filayo inuu ka soo kabsado dhaawaca muruqa bowdada, laakiin wax badan ayaa isbedeli kara ilaa iyo axada.