Warbixin: Lix Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Caawa Xulalka Portugal & France Ee Finalka Euro 2016

0
Sunday July 10, 2016 - 16:25:44 in by Burco Office
  • Visits: 1319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Lix Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Caawa Xulalka Portugal & France Ee Finalka Euro 2016

    Waxaa la isku raacsan yahay in Cristiano Ronaldo iyo Anoine Griezmann inay qeyb libaax leh ka qaadan doonaan kulanka caawa ee Portugal iyo France, laakiin halkee kale ayay labada xul ku kala badin karaan caawa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa la isku raacsan yahay in Cristiano Ronaldo iyo Anoine Griezmann inay qeyb libaax leh ka qaadan doonaan kulanka caawa ee Portugal iyo France, laakiin halkee kale ayay labada xul ku kala badin karaan caawa?


Ronaldo-hee caawa soo muuqan doona

Cristiano Ronaldo ayaa soo bandhigay qaab ciyaareedkii lagu yaqiinay kulankii semi-finalka ee ay ka badiyeen xulka Wales laakiin waxa uu sidoo kale wajahay jahwareer kulamadii Austria iyo Iceland ee wareega group-yada. Waxa uu ahaa ciyaaryahan kulan weyn waayihiisa ciyaareed oo dhan, kulanka caawana ma jiro mid ka weyn. Haddii Ronaldo-hii kala dhantaalay Wales uu soo muuqdo caawa, Portugal waxa ay heysataa fursad fiican oo ay ku hanan karaan koobkoodii ugu horeysay.

Soo laabashada Pepe

Waxaa lagu doodi karaa inuu ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa Portugal tartankaan ka hor inta uusan dhaawac ku seegin kulankii arbacada, Pepe ayaa gacanta sarre ka helay Mario Mandzukic iyo Robert Lewandowski uu soo wajahay. Si ka badan sidii hore ayaana loogu baahnaan doonaa haddii ay Portugal celineyso xiddiga ugu cadcad hanashada kabta dahabka ee Antoine Griezmann. Bruno Alves waxa uu u muuqday mid maareeyay inuu celiyo Gareth Bale sidaasi oo ay tahay Pepe ayaa kaga haboon inuu aamusiyo Griezmann iyo Oliver Giroud.

&NCS_modified=20160708224043&MaxW=640&imageVersion=default&AR-160709310

Hubka qarsoon ee khadka dhexe

Adrien Silva indhaha uma soo jiidanin sida Renato Sanches uu u indhaha u xaday kulamadii wareega kala baxa, laakiin shaqadiisa ma daalenimada ah ayaa noqotay muhim weyn. Kaliya waxaad weydiisaa Luka Modric oo uu ka beeniyay boos uu ku dhaqaaqo iyo waqti uu kubad ku dhiso wareegii 16ka. Daafaca khadka dhexe ee Sporting Lisbon ayaa sidoo kale qalqaliyay Wales iyo Poland, waxaana uu tamartiisa oo dhan uu ku bixin doonaa inuu yareeyo saameynta Paul Pogba iyo asxaabtiisa.

Saameynta Griezmann

Griezmann ayaa u muuqata weeraryahanka ugu haboon soo bandhigi kara orod la’aanta daafaca xulka Portugal. Xiddiga Faransiiska ayaa kacsanaa tan iyo wareegii group-yada, waxaana kalsoonidiisa oo sii koradhay ay dhibaato ku tahay daafacyada dhexe Pepe oo 33 sanno jir ah iyo Jose Fonte oo 32 sanno jir ah. Griezmann waxa uu cagta dhigaa meel walba oo garoonka ah, waana hubaal inuusan daafacyada Portugal siin doonin waqti ay ku nastaan, gaar ahaan iyadoo xiddiga garab ciyaara ee Oliver Giroud uu isna awoodiisa jir ahaaneed soo bandhigayo.

Awooda khadka dhexe ee France

Les Bleus ayaa kubada heysan doonta in ka badan intii ay ka heysteen Germany, waxaana ugu wacan ciyaartoyda khadka dhexe ee Paul Pogba iyo Dimitri Payet kuwaasoo wajahaya xiddigaha reer Portugal ee dishibiliinkooda ilaaliya. Pogba ayaa noday mid ku raaxeysanaya kubada intii uu tartanka socda halka Payet aan looga baranin inuu muuqbeelo labo kulan oo isku xigta iyadoo kulankii semi-finalka uu ahaa kulankii uu ugu dadaal yaraa tartankaan.

Ronaldo v Umtiti

Marka mid mid la isku barbardhigo France ayaa gacanta sarre ka leh Portugal laakiin tababare Fernando Santos waxa uu heystaa Ronaldo; haddii kabtanka Seleccao uu ku jiro mid ka mid ah maalmihiisa gaarka ah markaas Samuel Umtiti oo noqonaya ciyaaryahan Barcelona ah xilli ciyaareedka danbe ayaa wajihi kara habeen dhib badan.