DEG-DEG: Cristiano Ronlado Oo Dhaawac Looga Dhex Qaaday Kulanka Finalka Euro 2016 Ee Dhex Maraya France Iyo Portugal

0
Monday July 11, 2016 - 01:31:32 in by Burco Office
  • Visits: 1354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG-DEG: Cristiano Ronlado Oo Dhaawac Looga Dhex Qaaday Kulanka Finalka Euro 2016 Ee Dhex Maraya France Iyo Portugal

    Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronlado ayaa dhaawac looga dhex qaaday kulanka dhex maraya xulalka qaramada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronlado ayaa dhaawac looga dhex qaaday kulanka dhex maraya xulalka qaramada
 France iyo Portugal ee finalka Euro 2016. Ronlado ayaa marka hore dhaawucu soo gadhay daqiiqadii 8 aad ee bilawgii kulankan kadib markii uu cadaadis wayn kala kulmay Evra iyo Payet laakiin Ronaldo ayaa daawayn kadib u muuqday in uu ciyaarta sii wadan karo wuxuuna dib ugu soo laabtay garoonka.

Laakiin Ronaldo ayaa u muuqday mid naftiisa halis galiyay isla markaana garoonka ku soo laabtay isaga oo qaba dhaawac halis ah wuxuuna waxyar kadib muujiyay in garoonka laga saaro isaga oo dhulka ku tuuray astaanta kabtanka xulka qarankiisa wuxuuna fadhiistay dhulka si loogu doono sariirta dhaawaca la saaro.

Daqiiqado kooban kadib xulka qaranka Portugal iyo jamaahiirta Portugal ayaa la kulmay muragadii ugu waynayd ee intii ay ka ciyaarayeen tartanka qaramada Yurub waxaana sariirta dhaawaca la saaray kabtankooda isla markaana ah halyaygii ay guusha ka sugayeen kulankan.

Ronaldo ayaa oohinta xejisan kari waayay wuxuuna si wayn uga murugooday in xili hore horeba dhaawac looga dhex qaaday kulan sidan muhiim ugu ah xulka qarankiisa iyo gaar ahaan naftiisa si uu markii ugu horaysay xulka qarankiisa Portugal ugula guulaysto koob wayn.

Cristiano Ronlado ayaa intii uu garoonka ku jiray sideed jeer kubbada taabtay laakiin habeenkiisa ayaa ku soo d hamaaday mid murugo badan waxaana garoonka laga dhex qaaday isaga oo ilmaynaya isla markaana oohinta xejisan kari waayay. Sidoo kale jamaahiirta Portugal ayaa murugo wayn ka muujiyay in kabtankooda ciyaarta laga saaray

Ronaldo ayaana lagu soo badlaay xidiga khibrada badan leh ee Ricardo Quaresma kaas oo markan garbaha loo saaray masuuliyad wayn iyo in uu buuxiyo booska uu Ronaldo baneeyay. Ronaldo ayaa u muuqday in uu dhaawucu ka soo gaadhay jilibka lugtiisa bidix,Halkaan Laacibtv.net ka daawo qaabkii uu u dhaawacmay Ronaldo

Wixii ka soo kordha dhaawaca Ronaldo wararkeena danbe ayaad insha Allah kula socon doontaan.