Muxuu Cristiano Ronaldo Ka Yidhi Guushii Taariikhiga Aheyd Ee Ay Xulkiisa Portugal Ku Hanteen Koobka Euro 2016?

0
Monday July 11, 2016 - 09:54:13 in by Burco Office
  • Visits: 1284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Cristiano Ronaldo Ka Yidhi Guushii Taariikhiga Aheyd Ee Ay Xulkiisa Portugal Ku Hanteen Koobka Euro 2016?

    Xiddiga iyo kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa ku amaanay xulkiisa guul ay u qalmeen oo ay ka gaareen koobka Euro 2016 isagoo sheegay inay cadeeyeen in dadkii dhaleeceynayay xulkooda inay qaldaanayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga iyo kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa ku amaanay xulkiisa guul ay u qalmeen oo ay ka gaareen koobka Euro 2016 isagoo sheegay inay cadeeyeen in dadkii dhaleeceynayay xulkooda inay qaldaanayeen.

Goolka guusha uu dhaliyay Eder daqiiqadii 109aad ayaa xaqiijisay inay xulka Portugal 1-0 kaga badiyeen xulka France ciyaartii finalka ee ka dhacday Paris axadii.

Ronaldo ayaa dhaawac jilibka ah ku soo baxay qeybtii hore ee ciyaarta, laakiin kursiga keydka ayuu ka dhiirogelinayay asxaabtiisa xulka isagoo ku hogaamiyay koobkoodii ugu horeysay ee heer caalami.

Weeraryahanka Real Madrid ayaa amaanay Portugal isagoo dareensan inay u qalmeen koobka Qaramada Yurub.

14681860312097

"Portugal waa ay u qalantaa koobkaan ka dib sannado badan oo aan naf hurid sameynay. Ma jirin cid ina aaminsaneyd” ayuu yiri Ronaldo.

"Waxaan durbaba kooxaha kula soo guuleystay wax walba. Waxaa iga maqneyd inaan xulka qaranka wax uun la qaado.”

Ronaldo ayaa sheegay inuu ogaa in weeraryahanka Lille Eder uu dhalin doono goolka guusha.

Waxa uu yiri: "Waxaan kubada cagta ciyaarayaa waqti dheer. dareemo badan ayaan leeyahay. Waan dareemay inuu ahaa qofka dhalinaya goolka guusha.”