Tartankii Kubada Cagta Dalka Koonfur Afrika Ee Bishii Ramadaan Oo La Soo Gaba-gabeeyay

0
Tuesday July 12, 2016 - 10:41:10 in by Burco Office
  • Visits: 1039
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartankii Kubada Cagta Dalka Koonfur Afrika Ee Bishii Ramadaan Oo La Soo Gaba-gabeeyay

    Tartankii Kubadda Cagta ee Bishii Ramadaan ee Jaaliyadda Sooamalida ee Koonfur Afrika iyo Naadiga Kubadda Cagta Xidigaha Da'yarta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartankii Kubadda Cagta ee Bishii Ramadaan ee Jaaliyadda Sooamalida ee Koonfur Afrika iyo Naadiga Kubadda Cagta Xidigaha Da'yarta  ee Xaafadda Mayfair ee ay Soomaalidu ka Deggen tahay Magaalada Johannesburg oo ay Maal-galineysay Shirkadda Yummy Snacks oo ay Ganacsato Soomaaliyeed leeyihiin ayaa lasoo Gunaanaday, Waxaana ku guuleystay Naadiga MYS oo 3-1 uga adkaaday Naagiga Heotel Nura ee magaalada Johannesburg.

 

Axmed Farax oo ah Kabtanka Naadiga Hoteelka Nura oo Tartanka looga guuleystay, ayaa u mahad-celiyay Shirkadda Yummy Snacks oo Gacan ka geesatay Qabsoomida Koob-ciyaareedkaan Ramadaan-ka, isagoo kooxda K/Cagta da'yarta ee Xaafada Mayfair ee magaalada Johannesburg Hambalyo u diray.

Sidoo kale, Sayid Axmed Dhoore (Indha cade) oo ah Cayaaryahan ku hadlayay Magaca Naadiga Kubadda Cagta Xidigaha Da'yarta Xaafadda Mayfair oo ay kooxdiisu ku guuleysatay Koobkaan ayaa sheegay inay ku Faraxsan yihiin inay Koob-cayaareedka Ramadanka Sannadkaan 2016-ka ku guuleystaan ayna Rajeenayaan inay sanad walba hantaan horyaalka magaalada Johannesburg.

Waxaa kaloo, Isna goobta ka hadlay, C/raxmaan Amiin oo ku hadlay magaca maamulka shirkadda Yummy Snacks oo Koob cayaareedkaan Ramadaan-ka suuro-gelisay ayaa sheegay in dhamaan kooxihii tartankaan ka qayb-qaatay ay muujiyeen cayaar-wanaag, wuxuuna intaa ku daray inay sii wadi doonaan dhiirri-gelinta dhallinyarada Soomaaliyeed oo dhan, gaar ahaan kuwa Koonfur Afrika ku nool.

Ugu dambeyn, Tartan Cayaareedka Ramadaan-ka oo la billaabay horraantii bishii Ramadaan-ka, ayaa waxaa ka Qayb-qaadanayay illaa shan kooxood oo is-wada arkay, wuxuuna koobkii loo dhigay gurigooda u hoyday kooxdii Martigeliyay Koobka ee lagu magacaabo Naadiga Kubadda Cagta Xaafadda Mayfair ee Magaalada Johannesburg.