Chelsea Oo Qiimaha N'Golo Kante Kala Heshiisay Leicester Xilli Ay Ku Garaacday Saxiixiisa Shanghai SIPG

0
Thursday July 14, 2016 - 01:27:47 in by Burco Office
  • Visits: 960
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo Qiimaha N'Golo Kante Kala Heshiisay Leicester Xilli Ay Ku Garaacday Saxiixiisa Shanghai SIPG

    Jariiradda The Sun oo xiganeysa warbixino ka imaanaya dalka faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in Chelsea ay qiimaha N'Golo Kante kala heshiisay kooxdiisa Leicester City iyadoo xidigaan ku qaadan doonta aduun lacageed oo gaaraya 29 Malyan Oo Poun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jariiradda The Sun oo xiganeysa warbixino ka imaanaya dalka faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in Chelsea ay qiimaha N'Golo Kante kala heshiisay kooxdiisa Leicester City iyadoo xidigaan ku qaadan doonta aduun lacageed oo gaaraya 29 Malyan Oo Pound.


Kubad burburiyahaan ayaa si ba’an loola xiriirinayay kooxda boqortooyada ee Real Madrid kadib markii uu xili ciyaareed aan caadi aheen ku qaatay Leicester City, sidoo kalana uu kasoo muuqday liiska ciyaartoyda u tartameysay abaalmarinta xiddiga sanadka EPL-ka Abaalmarinta ay bixiyaan Ururka Ciyaartoyda Horyaalka Ingiriiska.

Kante

Macalinka cusub ee Chelsea Antonio Conte ayaa wadahadalo la sameeyay Kante, iyadoo sidoo kale ay jiraan in kooxda reer China eeShanghai SIPG ay xidigaan ka gudbisay dalab 15 Malyan ka badan lacagaha heshiiskiisa lagu jabin karo.

Si kastaba jariiradda La Parisien ee dalka faransiiska kasoo baxda ayaa ku warantay in Chelsea ay haatan isku af garteen Foxes lacagaha Kante iyadoo kooxda difaacaneysa horyaalka Ingiriiska ay jeebka ku ridan doonto 29 Malyan Oo Pound.

Sidoo kale La Parisien waxey warineysaa in Kante uu iska diiday dalabkii ka yimid shiinaha wuxuuna ogolaaday inuu ku biiro kooxda Stamford Bridge ka dhisan, heshiis shan sano ah ayuuna qalinka ku duugi doonaa.