Tababaraha kooxda Arsenal Mr.Arsene Wenger ayaa ka hadlay guushii ay ka gaareen kooxda Liverpool

0
Monday February 17, 2014 - 10:57:51 in by Super Admin
  • Visits: 1369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababaraha kooxda Arsenal Mr.Arsene Wenger ayaa ka hadlay guushii ay ka gaareen kooxda Liverpool

    kooxda Liverpool oo marti ugu ahayd Emirates koobka AF Cup ayaa caawa ay kaga badiyeen 2-1.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kooxda Liverpool oo marti ugu ahayd Emirates koobka AF Cup ayaa caawa ay kaga badiyeen 2-1. Tababaraha kooxda Arsenal Mr.Arsene Wenger ayaa ka hadlay guushii ay ka gaareen kooxda Liverpool oo marti ugu ahayd Emirates koobka AF Cup caawa iyagoo uga badiyay 2-1.

Arsene Wenger ayaa sheegay in kooxdiisa ay u ciyaartay qaab wanaagsan ayna u qalmeen guusha ay gaareen wuxuuna sii raaciyay inay kasoo kabsadeen guul daradii kasoo gaartay Liverpool isabuucii hore, sidoo kale wuxuu amaanay da,yarka ree France ee caawa hogaaminaayay weerarka Arsenal Yaya Sanogo.

Arsene Wenger oo lahadlay wariyayaasha ciyaarta kadib ayaa yiri” Waxaan laciyaarnay Liverpool ciyaar cajiib ah, waana u qalanay guusha anagoo ugu danbayn usoo gudubnay wareega 8 ee FA Cup, waxaana awood u helnay inaan kasoo kabsano guul daradii aan kala kulanay isbuucii hore, waxaa noosuro gashay inaan u jawaabno dadka kashakisnaa kooxdayda ka hor kulanka, waxaana soo ban dhignay qaab ciyaareed cajiib ahaa”.

"Sanogo wuxuu soo ban dhigay ciyaar cajiib ah, waxayna u aheed kulankii sii ugu horeeyay ee ciyaar rasmi ah uu kusoo bilowdo, markii la fiiriyo wixii u qabtana kulankii caawa wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan”.

"Liverpool waa koox aad u adag, waxay sameeyeen fursado aad qatar u ahaa, laakiin si wanaagsan ayaan uga hor istaagnay inay gaaraan shabaqeena, sidoo kale yaanaan hilmaamin dhankeena waxaan samaynay fursado aad u fiican, isku soo wada duub waxaan ciyaarnay kulan wayn waana u qalanay guush