Guddoomiyaha Baanka Caalamiga ah ee DAHABSHIIL BANK, ayaa Magaaladda Hargaysa ku soo xidhay tababbar kor loogu qaadayay aqoonta maamul ee Shaqaalaha Baanka Dahabshiil.
Tababbarkan oo socday Saddex Maalmood, ayaa waxa lagu baranayay Tayeynta hawlaha Maamulka shaqada, waxaana bixinaysay Hay’adda magaceeda la yidhaa AL-AMAANAH CONSULTANCY LIMITED oo ka shaqaysa dalalka ay ka shaqeeyaan Bangiyada Islaamiga ah ee guud ahaan Caalamka.
Xidhitaankii Tababbarkan, ayaa waxa ugu horreyn ka hadlay Ismaaciil Aadan Iidle oo ka mid ah Masuuliyiinta Hay’adda AL-AMAANAH ee Tababbarka bixinaysay, ahna khabiir caalamiya, waxaanu tilmaamay Muhiimadda uu tababbarka noocan ahi u leeyahay shaqaalaha Baanka Caalamiga ah ee DAHABSHIIL oo uu tilmaamay inuu wax-weyn ka beddeli doono hanaanka shaqo iyo shaqaale ee Baanka, "Shirkaddan aan ka socdo ee tababbarka bixinaysa, waxa uu takhasuskeedu yahay inay tababbaro Siiso Baananka Islaamiga ah ee ku yaalla Barigga dhexe iyo Afrika, waxaanan u imid in aan tababbarkan tayaynta Maamulka shaqaalaha aan siiyo shaqaalaha Shirkadda DAHABSHIIL, Waxaana uu tababbarkanni socday Muddo Saddex cisho ah, waxaana ka soo qeyb-galay dad tiradoodu ay yihiin 16 Qof, waxaana Ujeeddada ugu weyni tahay in kor loo qaado adeegga la siinayo macmiisha Baanka, si loo gaadho macmiishu wax-kasta oo ay u baahan-yihiin iyo wax ka sii badan”. Ayuu yidhi, Khabiirka ka socday Hay’adda bixinaysay Tababbarka.
Waxa isagguna halkaas ka hadlay oo tababbarkan soo xidhay Guddoomiyaha Laanta DAHABSHIIL BANK ee Magaalada Hargeysa Maxamed Siciid Cawaale oo ku hadlayay Afka Maamulaha guud ee Baanka DAHABSHIIL, waxaanu si weyn u ammaanay shaqaalaha Muddada Saddexda cisho ah tababbarka qaadanayay, waxaana uu sidoo kale u mahad-celiyay Khabiirka Tababbarka bixinayay. "Waxa shaqaale ahaan inala gudboon inaynu fulino aqoontaas aynu baranay, aqoontii weynu baranay, weynu weelaynay, si fiicana runtii weynu u derisnay, weynuna dareenay in shaqaddeena kor-u-qaadideedu u baahan tahay inaynu tayayno shaqada aynu qabanayno iyo adeegga ay Macaamiisheenna u samaynayno.” Ayuu yidhi, Maxamed Siciid Cawaale, waxaanu intaa ku daray, "DAHABSHIIL GROUP, waa Shirkad qanacsi macaamisheeda oo ku dedaasha tayaynta adeegga ay qabanayso oo waxay qabtaan uu adeeg u badan yahay. Haddii ay tahay SOMTEL ama DAHABSHIIL BANK, qeybta Xawaaladda iyo qeybta Sarrifka, sidaas darteed meel kasta Siminaaro ayaa ka socda aqoonta shaqaalaha kor loogu qaadayo”.
Shirkada Dahabshiil Bank Oo Tababbar Aqooneed U Soo Xidhay Shaqaalahiisa.
Guddoomiyaha Baanka Caalamiga ah ee DAHABSHIIL BANK, ayaa Magaaladda Hargaysa ku soo xidhay tababbar kor loogu qaadayay aqoonta maamul ee Shaqaalaha Baanka Dahabshiil.