Hayadda Socdaalka Aduunka Ee IomOo Shaacisay Saddax Kun Oo Tahribayaal Ah Oo Sanadkan Ku Dhintay Badda Medhetereniyaanka

0
Saturday July 23, 2016 - 08:13:56 in by salman abdi
  • Visits: 779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hayadda Socdaalka Aduunka Ee IomOo Shaacisay Saddax Kun Oo Tahribayaal Ah Oo Sanadkan Ku Dhintay Badda Medhetereniyaanka

    Ku dhawaad saddex kun oo muhaajiriin ah ayaa ku dhintay badda Medhetereniyaanka tan iyo horraantii sanadkan 2016, sida ay hay'adda muhaajirinta caalamka ee IOM sheegtay Jimcaha maanta. IOM ayaa sheegtay in dadka ay diiwaan galiyeen ee dhintay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dhawaad saddex kun oo muhaajiriin ah ayaa ku dhintay badda Medhetereniyaanka tan iyo horraantii sanadkan 2016, sida ay hay'adda muhaajirinta caalamka ee IOM sheegtay Jimcaha maanta. IOM ayaa sheegtay in dadka ay diiwaan galiyeen ee dhintay ay gaarayaan illaa iyo 2,977 oo qof, kuwaas oo aanay ku jirin kuwa laga yaabo in meydadkooda laga helo xeebaha maalmaha soo socda.


In ka badan 800 oo muhaajiriin ah ayaa Khamiistii gaarey xeebaha Yurub, waxaana tirada qaxootiga ah ee Yurub gaarey sanadkan 2016 ay gaarayaan 242,179, sida ay IOM sheegtay.

Tirada dadkaasi ku dhimanaya xeebaha ayaa kordhay sanadkan, waxana July 22, 2015, la soo wariyay in la diiwaan galiyay dhimashada 1,906 oo muhaajiriin ahaa.