Wasaarada Batroolka Somalia oo soo bandhigtay Hab-raac lagula heshiinayo Shirkadaha +Sawiro

0
Saturday July 23, 2016 - 08:22:01 in by salman abdi
  • Visits: 924
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Batroolka Somalia oo soo bandhigtay Hab-raac lagula heshiinayo Shirkadaha +Sawiro

    Wasaaradda Batroolka iyo macdanta XF Soomaaliya, ayaa maanta soo bandhigtay Hab-raac loogu talo-galay in Dowladda Soomaaliya ay heshiisyada kula gasho Shirkadaha Caalamiga ah ee daneynaya inay Soomaaliya ka baaraan shidaal. Hab-raacan, ayaa khubaro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Batroolka iyo macdanta XF Soomaaliya, ayaa maanta soo bandhigtay Hab-raac loogu talo-galay in Dowladda Soomaaliya ay heshiisyada kula gasho Shirkadaha Caalamiga ah ee daneynaya inay Soomaaliya ka baaraan shidaal. Hab-raacan, ayaa khubaro ka tirsan wasaarada waxay ku sheegeen in diyaarintiisa ay kala shaqeeyeen Qareenno Caalami ah oo Bangiga Horumarinta Afrika uu kusoo xulay Tartan.

Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar, ayaa tilmaamay sida Tallaabadan ay muhiimka ugu tahay Heshiisyada Somalia ay la geli doonto mustaqbalka shirkadaha danaynaya inay shidaal ka baaraan ama ka qodaan Soomaaliya.

Sidoo kale, Agaasimaha Sahanka iyo Soo-saarista Shidaalka Soomaaliya ee Wasaarada Batroolka iyo Macdanta Somalia, Inj. C/qaadir Abiikar Xuseen oo isna kulanka ka hadlay ayaa xusay in Somalia ay qaadatay nidaam ka duwan kii Dowladdii ka horreysay burburka oo ahaa (Concession), oo Milkiyada Ceelka laga helo shidaalka ay lahayd Shirkadda, laakiinse Nidaamkaan cusub ee [Production Sharing Agreement] uu yahay mid dan u ah Dalka oo la wadaagayo Dakhliga laga helayo Ceelasha Shidaalka ee Shirkadaha kale maamulayaan kasoo xarooda.

Dadweynihii kulankaan kasoo qayb-galay ayaa su'aalo kala duwan waydiiyay Wasiirka iyo Khubradii kaleba, kuwaas oo ay uga jawaabeen, Waxaana ka mid ahaa; In nuqul ka mid ah hab-raacaan la dhigo Bogga Internet-ka ay k leedahay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Somalia, taasoo ay wasaaraddu ballan-qaaday.


Ugu dambeyntii, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Maxamed Mukhtaar ayaa ku nuux-nuuxsaday inaanuu jirin heshiis illaa hadda lala galay shirkad, balse la diyaariyay nidaamkii shirkadaha heshiiska lagula gali lahaa oo keliya.