Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax iyo Maayar ku-xigeenka Degmada Boorama Cumar Maxamed Jimcaale,ayaa wada jir uga war bixiyay hawlaha horumarineed ee gobolka iyo degmada ay ka wadaan nabad gelyada biyo yaraan boorama ka jirtayiyo beeraha loo qoday beeralayda ay abaarihii dalka soo maray saameeyeen iyo arrimo kale.
Guddoomiyaha gobolka Awdal iyo Maayar ku-xigeenka Degmada Boorama oo wada jir waraysi gaar ah ugu siiyay khadka Telefoonka Wargeyska DAWAN xalay,ayaa ugu horrayn guddoomiye Maxamuud Cali Saleebaan oo ka hadlayay degmooyinka iyo deegaamada Beeraha loo qoday ee laga fuliyay balanqaadkii guddiga taakulaynta abaaraha heer qaran iyo goboliyo gurmadka wali la siinayo dadkii abaaraha ku tabaalloobay.waxaa uu yidhi. " Waxaa laga qoday 30 kun oo saacadood oo loo qoday beeralayda gobolka ee ay saamaynta ku yeelatay abaartii ku dhufatay dalka oo dhan oo ay waxyeelo weyni ka soo gaadhay dadkii beeralayda ahaa oo ay ka be’een beerihii isla markaanaawood u waayay ay ku qotaan,tallaabadaasina waxay ka mid ahayd balan-qadkii guddiga abaaraha ee heer qaran iyo heer gobol oo gacan weyn naga siiyay iyo Hay’addo kale oo nalaga qeyb qaatay, waxaana beeralayda gobolka ee Degmooyinka Baki,Qunujeed. Dilla.Magaalacad iyo degmada Boorame. Loo qoday 30 kun oo saacadood.Waxaa kale oo beero qodistabarbar socotay dadkii deegaamada Gobolka Awdal ee ay abaaruhu ku dhufteen waxaa jirta quudin loo waday oo socotay muddo saddex bilood ah taasoo si weyn uga qeyb qaadatay nolosha qoysaska beeralayda ah ee aan haysan wax ay cunaan isla markaana aanu u soo go’in wali dalaggii beeruhu waxaa kale oo jirta hay’addo balan-qaaday in ay sii wadayaan quudintaa illaa saddex bilood oo kale. Aad ayaanan ugu mahad naqayaa dhammaan Hay’adaha gacanta ka geystay.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Awdal.
Dhinaca kale Maayar ku-xigeenkadegmada Boorama Cumar Maxamed Jimcaale,ayaa isna ka hadlay xaaladda biyo yaraanta Boorame, hannaanka cusub ee ay u qorsheeyeen gaadiidka dadweynaha ee magaalada ka dhex shaqeeya iyo kuwa gobollada kale ee dalka iyo Itoobiya uga kala baxa magaalada Boorama iyo guud ahaan nabad-gelyada Boorame. Waxaanu digniin u diray Maayar ku-xigeenka Booramewadayaasha gaadiidka dadweynaha oo uu faray in ay maanta laga bilaabo u guuraan istaamada cusub ee ay ugu tallo-galeen dawlad hoose ahaan taasoo ay jimchii shalay ku ekayd muddadii ay u qabteen.
"Waxaa jira in isu socodka gaadiidka ee magaalada gudaheeda ay cidhiidhi badan kala kulmeen guud ahaan gaadiidka magaalada dhexdeeda isaga gudaya ka dib markii gaadiidka bajaajku ay meel kasta is dul buuxiyeen oo ay suuqyada oo dhan istaamo aan sharci ahayn ay ka dhigteen taasina waxay u baahatay in wax laga qabto oo qaab wanaagsan oo isu socodka gaadiidka magaaladuna ay waddooyin bannaan u helaan isla markaana gaadiidkabajaajkuna ay istaamo u helaan waxaanu samaynay Istaamo magaalada dhexdeeda ah oo aan dhib ku ahayn isla markaana u dhaw goobaha waddooyinka ah ee xay xidheen tusaale ahaan kuwa imika isbuuxiya Baanka agtiisu waxay u wareegayaan xagga dambe ee Dawladda Hoose oo aan wax badan u jirin waxaanan banaynay oo kaliya waddooyina si aan isu socodka gaadiidku caqabad ugu noqon magaalada. Halka Jaamacadda looga boxooo caqabad ku ah socodka gaadiidka iyadana meel aan ka fogayn ayaanu u rarnay oo barxad bannaan ah waddadiina waanu banaynay markaa gaadiidlayda waxaan farayaa in ay tagaan goobaha loo asteeyay. Gaadiidka gobolada dalka iyo oorama u kala baxa iyo kuwa dalka Itoobiya u baxa igana waxaanu u rarnay halka magaalada laga soogalo ii sitaan u noqon doonta iyadoo halkaana ay gaadiidka bajaajkuna ka shaqayn doonaan.”
Maayar Ku-xigeenka oo ka hadlayay dhanka nabad-gelyada iyo dil dhawaan ka dhacay magaalada Boorama waxaa uu yidhi. "arrimaha nabad-gelyadu aad ayay u wanaagsan yihiin guud ahaan Maamulka gobolka ka degmada dadweynaha iyo ciidanka booliskuna way ka wada shaqeeyaan dilkii maalintii dhawayd dhacaynamarkii uu dilkaa ninku geystay waxaa ALLE nagu guuleeyay in aanu gacanta ku soo dhigno gacan ku dhiiglihii dilka geystay iyo mididii uu dilka ku fuliyayba kiiskiisuna baadhis ayuu ku jiraa.”
Maayar ku-xigeenka oo aanu waydiinay biyo yaraan magaalada Boorama ka jirta iyo sida ay wakhtigan arrintaasi ay tahay,ayuu ku jawaabay. "Horta biyo yaraanta waxaa keenay baaxada iyo korodhkaay magaaladu sii fidayso oo aad u badan taasina waxay keentay in ay kala bataan intii biyaha Boorama loogu talo galay iyo baaxada ay gaadhay laakiin dedaal badan ayaan arrintaa ka galnay ceelal cusubna waan ka hawl galay wanay socdaan oo hawshoodii way socotaa dhawaanna way dhamaanaysaa imikana si ay magaaladu biyou wada hesho marba qayb ayaa loo sii daayaa si aanay cidina biyo u helin dadka cidina u waayin laakiin waxaanu ku talo jirnaa in ay dhawaan arrintaa biyo yaraantu naga soo dhamaato oo ceelashaa cusub aanu hawl galino.
Awdal:Awaamiir Maanta Dhaqan-galaysa Oo Lagu Soo Rogay Gaadiidlayda Magaalada Boorama.
Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax iyo Maayar ku-xigeenka Degmada Boorama Cumar Maxamed Jimcaale,ayaa wada jir uga war bixiyay hawlaha horumarineed ee gobolka iyo degmada ay ka wadaan nabad gelyada biyo yaraan boorama ka jirtay