Cabadirashiid Jeeni iyo Faadumo Maxamed Oo faahfaahiyey Doorka Dhalinyarada Somalalind iyo Hogaaminta

0
Saturday July 23, 2016 - 19:23:56 in by Burco Office
  • Visits: 1279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabadirashiid Jeeni iyo Faadumo Maxamed Oo faahfaahiyey Doorka Dhalinyarada Somalalind iyo Hogaaminta

    Cabdirashiid Maxamed Aadan (Jeeni) iyo Faadumo Maxamed Ismaaciil oo ka Mida dhalinyarada aqoon yahanka ah ee Somaliland ayaa khudbado ay ka jeediyeen Carwada bandhiga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa ayaa waxa ay ka hadleen doorka dhalinyaradu ku lee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdirashiid Maxamed Aadan (Jeeni) iyo Faadumo Maxamed Ismaaciil oo ka Mida dhalinyarada aqoon yahanka ah ee Somaliland ayaa khudbado ay ka jeediyeen Carwada bandhiga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa ayaa waxa ay ka hadleen doorka dhalinyaradu ku leeyihiin hogaaminta, fursadaha iyo caqabadaha horyaala.
C/rashiid Jeeni oo khudbad ku sabsan doorka dhalinyarada iyo hogaaminta ayaa waxa uu faahfaahiyey saamaynta ay dhalinyaradu ku yeelan karaan hogaaminta iyo caqabadaha dhalinyarada Somaliland ka hor taagan inay ka qayb qaataan hogaaminta dalka.
C/rashiid Jeeni ayaa sidoo kale waxa uu dhalinyarada kula taliyey inay isku duubnaan iyo ku talo gal hogaamineed la yimaadaan, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "Waxaan u mahadnaqayaa ka soo qayb galayaasha iyo dadka ka soo qayb galay munisaabida, waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Wadanka Ghana oo ah martida sanadkan ee Carwada Bandhiga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa”.
Jeeni oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi "Waxaan doonayaa inaan idinla wadaago safar aan dhawaan ku soo maray dhammaan gobolada dalka, dhalinyaro badan ayaan kula sheekaystay gobolada aan marayey dhammaantood xageena ayey soo eegayan oo caasimada ayey ku soo maqan yihiin, markaanu sheekaysanayn waxaanu isla qaadanay inaanu dhisno Somaliland horumarta, isla markaana la horumariyo dhalinyarada”.
C/rashiid Jeeni oo mar uu ka hadlayey caqabadaha dhalinyarada haystay ayaa waxa uu yidhi "Waxa jira caqabado badan oo dhalinyarada haysta oo ay ka mid yihiin qabyaalada iyo qodobo dhaqan oo kale, kuwaasi oo ay ka mid yihiin hal-ku dhigyo loo adeegsado in dhalinyarada lagu niyad jabiyo oo ay dadku yidhaahdaan nin yari intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa iyo dhalinyaradu waa mustaqbalkii barrito, kuwaasi oo muujinaya inaan qofka dhalinyarada ah loo diyaarin inuu maanta hogaamiye noqdo”.
C/rashiid ayaa talo u diray dhalinyarada waxaanu yidhi "Dhalinyarada waxa looga baahan yahay inay noqdaan ilbax dunida u furan oo aan barri iyo sahandambe sugin ee maanta hogaaminta u diyaar garooba, waxaanan soo jeedinayaa inay dhalinyaradu soo gasho siyaasada oo ay ka qayb qaadato hogaaminta iyo ganacsi, taasi oo keenaysa Somaliland waarta oo aan la gudhin odayaasha maanta jooga”.
Faadumo Maxamed Ismaaciil oo iyana khudbad ka jeedisay Carwada Caalamiga ah ee Bandhiga buugta Hargeysa ayaa waxa ka sheekaysay doorka dhalinyarada iyo hogaaminta.
Faadumo oo arrimahaasi ka hadlaysaa waxa ay tidhi "Hogaamin waa qof ka sareeya awooda dadka caadiga ah, waxaana jira hogaamiye iyo maamule, iyada oo maamuluhu nidaam jira hago, halka hogaamiyuhu hagitaankiisu nidaam samayn karo, waxaana cilmi baadhisyo la sameeyey lagu sheegay in dadka 2% ay u dhashaan hogaamin, laakiin la baran karo”.
Faadumo oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxa ay tidhi "Dadkeenu waxa ay qofka xariifka ah u yaqaanaan inuu hogaamiye yahay, balse cilmibaadhis la sameeyey waxa lagu ogaaday in had iyo jeer dadka xariifiinta ku ah waxbarashadu ay saynisyahano noqdaan, balse hogaamintu tahay wax loo dhasho lana baran karo, hogaamin markaad doonayso inaad noqoto waa inaad lahaataa hiigsi iyo go’aan qaadasho, waxaana muhiima inaynu kala garano hogaamiyaha iyo dadka la hogaaminayo”.


Cabdirisaaq Cabdilaahi Adan (Koroonto)
Hargeysa/Office