Daawo Sawiradda: Ku dhowaad boqol ruux oo ku dhintay qarax ka dhacay dalka Afghanistan

0
Saturday July 23, 2016 - 20:04:30 in by Burco Office
  • Visits: 586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawiradda: Ku dhowaad boqol ruux oo ku dhintay qarax ka dhacay dalka Afghanistan

    Bam ayaa lagu qarxiyay maanta dad ku dibed baxayay magaalada Kabul ee wadanka Afghaistan waxaaana ku dhintay dad ka badan 90 ruux halka dhaawacana uu ka badan yahay 200 oo kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bam ayaa lagu qarxiyay maanta dad ku dibed baxayay magaalada Kabul ee wadanka Afghaistan waxaaana ku dhintay dad ka badan 90 ruux halka dhaawacana uu ka badan yahay 200 oo kale.

Qaraxa ayaa lala beegsaday bannaan bax ay samaynayeen kumannaan qof oo ka tirsan qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Hazara, oo ah Shiico ku nool Afghanistan.

kooxda isku magacawday dowladda Islaamka, oo ka dagaallanta bariga dalkaasi, ayaa sheegatay iney ka dambeysay qaraxaasi.

Waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay ka muuqday burbur ballaaran, waxaana dadka loogu baaqay in ay dhiig u shubaan kuwa dhaawaca ah.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay waxa dhacay wuxuuna tacsi u diray qoysaska dadkii halkaas ku dhamaaday isagoo xusay in argagaxisadu aysan guuleysan doonin, lana ciribtiri doono.