Dawlada Maraykanka Oo Qalab Ugu Deeqay Booliska Somaliya Oo Tobabarna Siinaysa+Sawiro

0
Sunday July 24, 2016 - 08:59:46 in by salman abdi
  • Visits: 783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Maraykanka Oo Qalab Ugu Deeqay Booliska Somaliya Oo Tobabarna Siinaysa+Sawiro

    Saraakii ka socda dowlada Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa ciidanka booliiska Somalia ka caawinaya dambi-baarista, iyagoo sidoo kalena Qalab Casri ah oo u sahlaya shaqadan ugu deeqay booliiska Somalia. Hug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakii ka socda dowlada Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa ciidanka booliiska Somalia ka caawinaya dambi-baarista, iyagoo sidoo kalena Qalab Casri ah oo u sahlaya shaqadan ugu deeqay booliiska Somalia. Hugo McPhee iyo John M. Harring, ayaa waxay Maanta Muqdisho kulan kula qaateen Madaxweynaha Somalia iyo Ra'iisul Wasaarihiisa, iyagoo kala hadlay xiriirka labada dal iyo sida ay muhiimka u tahay in Dowladda Mareykanka ay Somalia ka taageerto dib u dhiska Ciidamada.


Kulankanka kaddib, ayaa waxay Saraakiishaan Kormeereen Goobaha ay Ciidamada Booliiska Somalia ku shaqeeyaan gaar ahaan xarunta dimbi-baarista booliska ee CID-da oo ay ka hir-geliyeen qayb ay ku tababari doonaan ardayda Jaamacadaha dalka ka soo baxa ee Booliiska Somalia ku biiraya, Gaar ahaan hoggaanka dambi-baarista, waxaana halkaasi kula kulmeen taliyaha dambi-baarista Jen. Saciid Axmed Kadiye.

Sidoo kale, Hugo McPhee iyo John M. Harring ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka uu ay diyaar u tahay inay billaabo barnaamijyo ay labada dal khibradaha isku weydaarsan doonaan.

Ugu dambeyntii, Saraakiisha Mareykanka ayaa Boliiska Somalia ka Caawinaya Dambi-baarista, Gaar ahaan Daba-galka iyo Baarista Dambiyada, Waxayna sii joogi doonaan Maalmahan Muqdisho, iyagoo tababarro ku siin doona qaar ka mid ah ciidamada booliiska Soomaaliya.