Deg Deg:Xarakada Al-Shabaab Oo Madaafiic Ku Garaacay Saldhiga AMISOM Ee Ceel Jaalle
Al-Shabaab ayaa madaafiic hoobiyeyaal ah ku garaacay saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Ceel Jaalle ee duleedka magaalada Marka gobolka Shabeellaha Hoose.
Sida ay sheegayaan wararka duqeynta madaafiicda kadib ayaa waxaa dhacay iska hor imaad, kaasoo muddo socday.
Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in madaafiicda kale ay iyana ku jawaabeen, lama soo sheegin khasaaraha ka dhashay duqeynta.
Dad ku sugan magaalada Marka ayaa sheegay inay maqlayeen madaafiic culus oo labada dhinac is weydaarsanayeen.
Weerarkan madaafiicda ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay duhurkii qarax miino lala eegtay Kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM oo ka yimid Buulo Mareer, kuna soo jeeday Shalanbood
Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadaan saldhigyada Cidiamada AMISOM, waxaana Shabeellaha Hoose ay aheyd meelaha ugu badan ee weerarada kala kulmaan ciidanka.